Basra (afka carabiga; البصرة) waa magaalo qadiimi ah oo ku taala dalka ciraaq, waxaa dhisay Cutba bin Gazwaan xiligii khaliifkii Cumar bin khadaaab, waxayna noqotay magaaladii ugu horaysay ee Islaami ah oo ay Carabtu ka dhistaan meel ka baxsan Jaziirada Carabta[1], Waa mid ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee Carbeedeed, kaalinta shan iyo tobnaad ayee gashay xaga tirada dadka marka loo eego tirakoobka 2007.

Geedo timireedka Basra ee ku yaala shada-carab qarkiisa

Taariikhda wax ka badal

 
Taalada Cutba bin gazawaan ee Basra

Furashada islaamka ee ciraaq ka dib waxaa soo baxday baahi ah dhisida magaalooyin ay caskarta dagaan una noqoto saldhig rasmi u ah sidaas darteed ayuu khaliifka islaamka cumar bin khadaab ku amray cutba bin gazawaan inuu dhiso magaalo, Cutba ayaa ka dhisay magaalada basra isku taga wabiyada dijla iyo furaat agtiis sanadkii 14aad hijrada ama 15aad[2], kadib waxaa kusoo batay qabiilada carabta ee dageesa, waxaa laga dhisay masjidka jaamica.

Sanadkii 35aad ee hijiriga waxaa ka dhacay dagaalkii ratiga ee u dhaxeeyay sayid Cali iyo caaisha[3]

Basra iyo kuufa waxaa kala maamuli jiray labo gudoomiye, Mucaawiya ayaa ziyaad bin abiih isugu daray maamulkooda[4], sanadkii 72H waxaa la dilay muscab bin zubeyr basra iyo ciraaq oo dhan gacanta umawiyiinta ayee gashay, sanadkii 75H waxaa lagu daray basra maamulkii xajaaj bin yuusuf, sanadkii 82 hijrada waxaa ka bilaawday ciraaq kacdoon looga soo horjeedo xukunka umawiyiinta ibnil ashcas ayaana hogaamiye ka ahaa, kacdoonkan ayaa ahaa mid khasaaro badan ka dhalatay waxa uuna socday ilaa 83H markaas oo lagu jabiyay ibni ashcas dagaalka deeru jamaajim,

Sanadkii 101H Yaziid bin muhalab ayaa qabsaday basra kacdoon ayuuna ku sameeyay umawiyiinta Yaziid bin cabdilmalik ayaa u diray ciidan xoogan oo Maslama bin cabdilmalik hogaaminaayo dagaal culus dhacay ka dib kacdoonka waa la soo afjaray Yaziid iyo ehelkiisana waa la xasuuqay.

Dhaqaalaha wax ka badal

Sidoo kale Fiiri wax ka badal

Xigasho wax ka badal

  1. {{استشهاد ويب|مسار=https://www.alkhaleej.ae/%D9%85%D9%84%D8%AD%D9%82/%D8%A7%D9%84%D8%A8%D9%80%D8%B5%D9%80%D9%80%D9%80%D9%80%D9%80%D8%B1%D8%A9-%D9%85%D8%B1%D9%83%D8%B2-%D8%A7%D9%84%D8%B9%D9%84%D9%88%D9%85-%D9%88%D8%A7%D9%84%D8%AA%D8%AC%D8%A7%D8%B1%D8%A9%7Cعنوان=البـصرة[dead link].. مركز العلوم والتجارة|ناشر=موقع الخليج|مسار أرشيف=https://web.archive.org/web/20201110195409/https://www.alkhaleej.ae/%D9%85%D9%84%D8%AD%D9%82/%D8%A7%D9%84%D8%A8%D9%80%D8%B5%D9%80%D9%80%D9%80%D9%80%D9%80%D8%B1%D8%A9-%D9%85%D8%B1%D9%83%D8%B2-%D8%A7%D9%84%D8%B9%D9%84%D9%88%D9%85-%D9%88%D8%A7%D9%84%D8%AA%D8%AC%D8%A7%D8%B1%D8%A9%7C%D8%AA%D8%A7%D8%B1%D9%8A%D8%AE أرشيف=10 نوفمبر 2020
  2. {{استشهاد|ناشر=أي بي سي-كليو|مكان النشر=Santa Barbara, USA|editor1=Michael R.T. Dumper|editor2=Bruce E. Stanley|مؤلف=Bruce Stanley|الفصل=Basrah|عنوان=Cities of the Middle East and North Africa|تاريخ النشر2008|صفحة=72
  3. موقعة الجمل، الكتاب الذهبي، الشبكة الإسلامية. Archived 2017-08-30 at the Wayback Machine
  4. https://shamela.ws/book/12318/1143