Caa'isha binti Abiibakar
Caa'isha binti Abiibakar (R.C) waa mid kamid ah xaasaskii Rasuulka Scw, waana tan ugu Caansan xaasaskiisa, waxaa dhalay khaliifka koowaad ee khulafada raashidiinta Abuubakar Al-Siddiiq, Hooyadeedna waxay ahayd Umu Ruumaan bintu Caamir, Caa'isha waxey Nabiga Scw ka warisay axaadiis aad u fara badan siiba kuwa la xiriira noloshii Nabiga S.C.W, xadiisyada ay warisay waxey gaarayaan tiradooda 2210 iyadoona ay 316 kamid ah ay ku jiraan Saxiixul Bukhaari Iyo Saxiixul Muslim.
Taariikh NooleedkeedaEdit
Caaisha waxey dhalatay 7 sano ka hor hijrada sida laga dheehan karo xadiiska Bukhaari ay Caa'isha warineyso, balse waxaa jira baaritaano casrigaan ah oo shaki galineyso sax ahaansha warkaas.
Waxaa la walaal ahaa Caaisha 3 wiil iyo 3 gabdhood; Cabdiraxmaan bin Abiibakar oo isku hooyo ahaayeen, Cabdulaahi bin Abiibakar, Muxamad bin Abiibakar, Asma binti Abiibakar iyo Umu kaltuum binti Abiibakar.