Xasan Muumin (Af Carabi : ar‎) (dhashay 1931 - geeriyooday 16 Janaayo 2008) wuxuu ahaa abwaan, ruwaayadiiste, halabuur, laxanmiiste, qoraa, muusigyahan aad loogu aqoonsaday horumarinta Fanka Soomaalida wakhti dadku aqoon badan u lahayn fanka. Abwaanku wuxuu ku dhashay magaalada qadiimiga ah ee Saylac goor lagu qiyaaso 1931kii wuxuuna ku geeriyooday magaalada Oslo ee wadanka Norway sanadkii 2008dii. Abwaanku wuxuu ku aasan yahay magaalada Borama.[1]

Xasan Sheekh Mumin

حسن الشيخ مؤمن‎‎
Ku dhashay (1931-01-01) Janaayo 1, 1931 ( 93jir)
Saylac, Awdal, Soomaaliya
DhimashoJanaayo 16, 2008
Oslo, Norway
Ku aasanBorama, Awdal
QoomiyadaSoomaali
Dhalasho Soomaaliya
ShaqadaAbwaan, Qora, laxanmiiste, halabuur, muusigyahan
Sanadaha Shaqada1970kii ilaa 2000
Ka tirsanHobolada Waaberi
Loo yaqaanoShabeel-Naagood, tiyaatarka Soomaalida
Shaqooyinka ugu muhiimsanFanka Soomaalida, Qaaci, Balwo iyo Qaraami
Magaalada ka soo jeedoBorama, Awdal
DiintaSuufi Islaam
Notes
Xasan Sheekh Muumin wuxuu ahaa qoraa, alifaa, ruwaayad-sameeye, halabuur, abwaan, laxamiiste, fikire iyo qof aad uga qeyb qaatay balaadhinta Fanka Soomaalida.

Abwaan Xasan Sheekh waxaa aad loogu xasuustaa ruwaayadaha uu sameeyay ee ka mid tahay "Shabeel Naagood".[2]

Taariikh Kooban

Abwaan Xasan Sheekh Muumin wuxuu ku dhashay magaalada qadiimiga ah ee Saylac wakhti lagu qiyaasay sanadkii 1931kii. Goortii uu abwaanku jiray sagaal sano ayaa asaga iyo qoyskiisa u guureen magaalada Borama oo iyadna ka mid ah isla gobolka Awdal. Waxbarashada Quraanka iyo tan kale wuxuu ka bilaabay isla magaalada Borama ilaa heer dugsi sare.

Wakhtiyadii dhaqdhaqaaqa xoriyad doonka dhulka Soomaalida wuxuu Xasan Sheekh ku biiray ururka SYL (Somali Youth League), halkaasi oo uu ka mid noqday gudida kala wada ururka. Badhtamihii 1950kii wuxuu sameeyay oo soo shaac saaray gabaygii ugu horeeyay ee uu si rasmi ah u sameeyo.


Qoraalo La Xidhiidha

Cadaymo

Tixraac

  1. Aaskii abwaanka Shabeel-Naagood
  2. Shaqooyinka Abwaanka "Haywardlewis"R. J. Hayward, I. M. Lewis. Psychology Press. pp. Appendix xv. ISBN 0728602571 https://books.google.com/books?id=SFfdmXY9X0UC&pg=PP18#v=onepage&q&f=false.  Maqan ama ebar |title= (caawin)