Xarardheere

(Waxaa laga soo toosiyay Xaradheere)

Xarardheere (Af-Carabi: هرارديري) waa magaalo taariikhi ah oo ku taal gobolka Mudug ee Soomaaliya.

Xarardheere
هرارديري (Carabi)
—  Magaalo  —
Xarardheere is located in Somalia
Xarardheere
Xarardheere
Location in Somalia
Dhacdaa: 4°39′16″N 47°51′27″E / 4.65444°N 47.85750°E / 4.65444; 47.85750Isuduwe: 4°39′16″N 47°51′27″E / 4.65444°N 47.85750°E / 4.65444; 47.85750
Wadan  Soomaaliya
Gobol Mudug
Degmo Xarardheere
Tirada dadka (2005 [1].)
 • Guud ahaan 65,500
Saacad EAT (UTC+3)

TaariikhEdit

Magaaladu waxey leedahay taariikh qadiimi ah oo u laabaneysa boqolaal sanno. Dadka caanka ah ee magaalada soo maray ama hadda ku nool waxaa ka mid ; Nabadoon Cadaceete, Guddoomiye Abdi dheere, Gaashaanle Ali Axmed Cosoble, Nabadoon Koofi, Sheikh Kulli, Gudoomiye Muxammed Sheikh, Guddomiye Abdisalaan Khaliif, Nabdoon Kobac, nabadoon Ciise geel jir, Nabadoon/Gnacasade Muxammed Adam Timajilac, Nabadoon/Ganacsade Buunde, Nabdoon Cusmaan Bood, Nabadoon Indhacade, Ustaad Xuseen Cali Cawaale, Usataad Abdirahman Moahmed Xuseen.

Magaalada iyo degmooyinka hoos yimaadaba waxa ay ka badbaadeen colaadihii sokeeyay ee ka dhacay guud ahaan Somaaliya gaar ahaanna gobolada dhexe ee Somaaliya,

magaca magaaladaEdit

Magaalada magaceeda waxaa la sheegaa in uu ka yimid labo magac oo isku tagtay oo kala ah Xarar iyo dheere Xarardheere oo ah geed dheer oo xarar ah oo magaalada ka bixi jiray.

Magaaladan waxa ay ka midtahay magaalooyinka gobolka Mudug uu ka kooban yahay, isla markaana ku taalla dhinaca deexda.

waxey ku taalaa dhinaca qorax ka soo bax ee bari.

DhaqaalahaEdit

Degmadaan waxaa ka jira ganacsi ballaaran oo dhinaca dalagyada beeraha kasoo baxa, xoolaha iyo weliba kalluumeysiga oo ah qeybta ugu weyn ee lacagta adagi kasoo,gasho dadka degaanka.

waxey dagmo noqotay 1972, waxaana ka noqday guddoomiyihii uhu horeeyay Abdi dheere, magaaladan waa magaalada kaliyah ee waxyaabihii danta guud wali ey yihiin dan guud, sidii Isbitaalka, wakaalada biyaha, iskuulka degmada, saldhiga booliska, gurigii martida iyo wax kasta oo dan guud ahaa.

Magaalooyinka gobolka mudugEdit

Magaaloyinka hoostaga Degmad Xarardheere waxaakamida

- Dummaye - Caad - Dabagalo - Miiroon

- Jawle - Ilbir - Qosol Tire - Camaara


  1. https://docs.unocha.org/sites/dms/Somalia/UNDP-POP-RURAL-URBAN%202005.pdf