Dabagalo

Tuulo Hoostagta Degmadda Xarardheere

DABAGALO ama "Dahab-galo" waa magaalo ku taal koonfurta gobolka Mudug Dabagalo, waxey 40km dhanka waqooyi kaga beegantahay dagmada XARAR-DHEERRE. Daba-galo waa deegaan ku caan ah BIYO aad u macaan, kuwaas oo taariikhdu sheegto in xilligii abaartii 1974 uu booqday Allaha u naxariistee mudane "Xuseen Kulmiye Afrax" kadibna lugu marti qaaday biyahas dabiiciga ah uuna uqaadan wayey in ey yihiin dabiici kadibna uu hadal layableh ku yiri "war xilli abaar ah yaa lajoogaa maxaad biyaha ugu darteen sokorta" kadibna loo sheegay in ey yihiin biyo dabiici ah oo Allah ku maneystay magalada dabagalo. hadalkaa ayaa noqday mid taariikhda gala , hadaba magaalda Dabagalo waxa eey ka tirsantahay degmadda Xarardheere ee gobolka mudug. Dabagalo waa deegaan eey ku noolyihiin dad aad u jecel

Dabagalo Dabagalo Mudug Somaaliya

Diinta Islaamka. Dabagalo waxaa ku nool dad Soomaaliyeed oo jecel Nabadda iyo Dowladnimada. Waxaa xusid mudan in reer Dabagalo aad ilaaliyaan goobaha danta guud ee eey ushistay Dowladii Soomaaliya burburkii kahor sida Suuqa Magaalada oo bartamaha Dabagalo kuyaal. Waxaana horjoog ka ah ilaalinta goobaha danta guud kuna amaanan Cali Cabdi Faarax iyo Xasan Maxamuud Afrax(Dhuxul).

Dabagalo waxa ay ka mid tahay magaalooyinka koboca sameeyey mudooyinkii dambe waana magaalo aad u ballaaran.

Culumaa udiinka dadka diinta

  1. Sh. C/kariim Maxamed Barre
  2. Macalim Aadam Maxamed Baree
  3. Macalim Cumar Maxamed Xeyle.
  4. Macalim Cali Salaad

Nabadoonadda magaladda

  • Xaaji Cabdi Xersi Kitto
  • Axmed Nuurre Cabdi
  • Maxamed Cabdi Axmed
  • C/laahi Muxumud Jimcaalle(Madoobe)
  • Cali Shire Cali( Cali Gaas)
  • Xaaji Cabdi maxamuud Cosoble (Cabdi Manan/Guumbe)
  • Cali Cabdi Faarax
  • C/llaahi Carab Maxamud