Kani waa maqaal ku saabsan Ugaadhiga iyo Qadhaabsiga. Qoraalo kale fiiri Ugaadhsi, Qadhaabsi, Qadhaabsade iyo Ugaadhsade

Ugaadhsi iyo Qadhaabsi sidoo kale loo yaqaano Qaraabsi iyo Ugaarsi (ingiriis: Hunting-Gathering; carabi: الصيد وجمع الثمار) waa shaqada lagu soo ururinayo midhaha iyo khudaarta dhirta duurjoogta ah; iyo khiyaanada lagu dhaawacayo ama dilaayo neef xayawaan duurjoog ah.

Sawir muujinaya Ugaadsato badan.
Sawir-gacmeed ay ka muuqato guuto ugaadhsato ah.

Qofka wax qadhaabsanaya waxaa loo yaqaanaa Qadhaabsade. Dad badan oo wax qadhaabsanaya waxa loo yaqaanaa Qadhaabsato. Qofka wax ugaadhsanaya waxaa loo yaqaanaa Ugaadhsade. Dad badan oo wax ugaadhsanaya waxa loo yaqaanaa Qadhaabsato.

Ugaadhsiga iyo qadhaabsigu waa labada hab ee dadku isticmaali jireen tan iyo qarniyo badan ka hor ilbaxnimadii aadamaha.

Qofka ugaadhsadaha ahi waxuu isticmaalaa hub kala duwan. Wakhtiyadii hore waxaa la isticmaali jirey leeb iyo qaanso, laakiin dunidan casriga ah maanta waxaa la isticmaalaa qori, madi, waran iyo noocyo kale oo hub ah. Laakiin qofka qadhaabsadeha ah waa mid xirfad iyo aqoon fiican u leh dhirta, sababtoo ah midhaha qaar waa sun lagu dhinto.