Qolof Dhul

(Waxaa laga soo toosiyay Qolof dhul)

Qolofta Dhulka (Af Ingiriis : Earth's crust) waa lakabka ugu sareeya jidhka dhulka, midaas oo ka kooban dhagaxaan, caro iyo macdano kale. Qolofka sare ee dhulku oo ah maqaarka dunida waa mid aad u adag oo heerkulkeedu markuu ugu hooseeyo gaadho 184 K ama −89.2 °C ugu badnaan wuxuu gaadhaa 56.7 °C ama 330 K.

Hordhac wax ka badal

Xadiga curiyeyaasha iyo isku dhisyada macdantu weey ku kala badan yihiin oogada dhulka waxaaney u kala baxaan sidan:csilica (SiO2) waa 60.2%; alumina (Al2O3) waa 15.2%; Nuurad (CaO) waa 5.5%; magnesiya (MgO) 3.1%; Aayron(II)Ogsaydh (FeO) waa 3.8%; sodhiyam Ogsaydh (Na2O) waa 3.0%; Botashiyaam Ogsaydh (K2O) waa qadar dhan 2.8%; Aayron (III) Ogsaydh (Fe2O3) waa 2.5%; Biyo (H2O) ku dhexjira caroda waa 1.4%; Kaarboon-labo-Ogsaydh (CO2) waa 1.2%; Tiitaniyaam-labo-Ogsaydh (TiO2) waa qadar dhan 0.7%; iyo Fosforos-pentOgsaydh (P2O2) oo ah qadar dhan 0.2%.

Shaxda Iskudhiska wax ka badal

Isku-xidhka curiyeyaashan waxay noqonayaan 99.6% qolofta sare ee dhulka, tirada yar ee kale waa hawooyin iyo neefo ku dhex jira.

Xadiga Isku Dhiska Curiye & Macdanta Qolofka Dhulka
Isku dhis Tiro (%)
silica (SiO2) 60.2%
alumina (Al2O3) 15.2%
Nuurad (CaO) 5.5%
magnesiya (MgO) 3.1%
Aayron(II)Ogsaydh (FeO) 3.8%
sodhiyam Ogsaydh (Na2O) 3.0%
Botashiyaam Ogsaydh (K2O) 2.8%
Aayron (III) Ogsaydh (Fe2O3) 2.5%
Biyo (H2O) 1.4%
Kaarboon-labo-Ogsaydh

(CO2)

1.2%
Tiitaniyaam-labo-Ogsaydh (TiO2) 0.7%
Fosforos-pentOgsaydh (P2O2) 0.2%

Qoraalo La Mid ah wax ka badal

Tixraac wax ka badal

Qolofta kore ee Dhulka waa Qolofta kore ee Dhulka. qoloft dhulka waxee ka koobantahay 13 caleemaha dhulka, waa 13