Noole

(Waxaa laga soo toosiyay Nool)
Bogan waa mid ku saabsan guu ahaan noolaha. Haku khaldin "nolol"

Noole (Af Ingiriis : Living Thing) waa wax walba oo naf leh, dhaq-dhaqaaqi kara, soo dhasha, jidhkiisu koro isla markaana dhinta kaas oo ku nool oogada [1] ama meere kale.

Ereyga Noole waxa soo hoos-gala dhamaan wixii naf ku jirto.

Noolaha waxaa ka mid ah dhamaan xayawaanka oo dadku ka mid yahay, dhirta, baakteeriyada, fungiga iwm.

Noolahu wuxuu sameeyaa dhaqdhaqaaq iyo xarakaad, waxuuna u baahan yahay hawo, biyo iyo cunto si uu u koro isla markaana u sii noolaado. Noolaha qaar, sida geedaha waxay u baahan yihiin awooda ileyska qoraxda si uu u sameeysto cunto isla markaana u sii noolaado. noolahu wuxuu leeyahay astaamo kala duwan

Waxa lid ku ah kalmada Ma Noole oo lagu qeexo dhamaan waxyaabaha bila nafta ah.

Dhoobo baa binuʼaadanka laga sameeyay.

Qeeybaha Noolaha wax ka badal

Boqortooyooyinka wax ka badal

Sida la isku raacay waxaa jira ilaa shan (ama lix) kooxood oo ka tirsan boqortooyo (biyoloji), kuwaasi oo kala ah:


Noole

Boqortooyo Dhir



Boqortooyo Xayawaan



Boqortooyo Brotist



Boqortooyo Bakteriya



Boqortooyo Fungi




Kala Duwanaanta Noolaha wax ka badal

Jiritaanka Noole wax ka badal


 
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro:
  1. It's Very good