Abuu cabdulaahi muxamad al-mahdi bin abuu jacfar mansuur (afka carabiga; أبو عبد الله محمد بن عبد الله المنصور) waxa uu ka mid ahaa khulafada cabaasiyiinta, xilka wuxuu qabtay dhimasha aabihiis abuu jacfar almansuur kadib wuxuuna taliyay laga bilaawo sanadkii 775 ilaa geeridiisa 785, labdiisa wiil Muusa al-haadi iyo haaruun al-rashiid ayaa qabteen xilka gadaashii, al-mahdi wuxuu caan ku ahaa inuu jeclaa ciyaarta polo,

Al-Mahdi
ٱلْـمَـهْـدِي‎
Khaliif
Amir al-Mu'minin
Diinaar dahab ee Al-Mahdi
Khaliifka sedexaad ee Dawlada Cabaasiyiinta
Xilka6 Oktoober 775 – 24 Julaay 785
Ka horeeyayal-mansuur
Ku xigaymuusa al-haadi
Dhashay744 or 745
Xumeyma, dhulka Sham,
maanta Jordan)
Dhintey24 July 785 (40–41jir)
Ku aasanMasabadaan
Xaasaska
Adoomaha
Issue
Magaca oo dhameestiran
abu cabdulaahi Muxammad al-mahdi bin abuu jacfar al-Mansur
Dawladacabasiyiinta
AaboAbuu jacfar almansuur
HooyoUmu Musa Arwa bint Mansur al-ximyari
DiintaIslaam

Noloshiis Ka hor khilaafada wax ka badal

Muxamad al-mahdi waa wiilka khaliifka cabaasiyiinta abuu jacfar almansuur, wuxuu ku dhashay tuulada xumeyma oo dhulka shaam ka tirsan sanadkii 127H\745, hooyadii waxaa la oran jiray umu muusa al-ximyariya.

Markuu aabihiis khilaafada qabtay wuxuu Al-mahdi qeyb ka qaatay ka hortagida kacdoonada dawlada ka soo horjeeda. Sanadkii 141H waxaa ka soo baxay khuraasaan nin lagu magacaabi jiray cabdi jabaar, Al-Mahdi oo waqtigaa 15jir ahaa ayaa loo xil saaray soo afjaridiisa, ciidan badan ayuu qaatay, waxaa la socday khaazim bin khuzeyma oo khabiir milatari ahaa, waxa uu soo hooyay guul kacdoonkiina wuu soo afjaray.

Dabaristaan talyihii heestay asbadi ayaa diiday inuu bixiyo jisyada wuxuuna dilay ragii ka socday dawlada, al-mahdi ayaa ku qaaday dagaal daba dheeraaday abuu jacfar ayaa u soo diray talye sare oo camar bin calaa la dhaho waxaana suura gashay furashada magaalada, sedex sano ka dib ayuu soo laabtay aabihiis ayaa soo dhaween fiican u sameeyay.

Sanadkii 147H waxaa masuul looga dhigay magaalada rayy soo maamulka ugu tababarto,

Sandkii 151H aabihiis ayaa u dhisay asaga iyo ciidankiis magaalada rusaafa wuxuuna u dhiibay xilka amiirka xajka

Dhaxal suginimada wax ka badal

Abuu cabaas Al-safaax wuxuu ahaa inuu u magacaabay khilaafada asaga ka dib abuu jacfar mansuur ka sii dibna ciisa bin muusa, markuu xilka qabtay abuu jacfar wuxuu ka dalbay ciisa inuu is casilo asna wuu diiday, abuu jacfar ayaa saaray culeys badan ilaa uu aqbalay ciisa in almahdi laga hormariyo dhaxal sugida. waana sanadkii 147H.

khilaafadiisa wax ka badal

Qabashada xilka wax ka badal

abuu jacfar wuxuu u baxay xaj 158H, wiilkiisa Almahdi ayuuna ku dhaafay baqdaad wuxuuna siiyay dardaaran badan, maka intuuna galin ayuu dhintay. Kadib waxa uu la wareegay almahdi khilaafada dadka ayaana la mubaayacoodeen, minbarka ayuu wuxuu jeediyay khudbad waxaana eraydiis ka mid ahaa:

Amiirul mu'miniin waa adoon loo yeeray wuuna yeelay, waa la faray wuuna adeecay, indhihiisa ayaa shubmeen,

wax qabadkiisa wax ka badal

Dhimashadiisa wax ka badal

wuxuu ku dhintay magaalada masabadaan 169H oo ku beegan 785 miilaadi, 43sana ayuu jiray, khilaafadiisa 10 sano ayeena ahayd wiilkiisa haaruun rashiid ayaa ku tukaday

sababta dhimashadiis labo war ayaa la sheegaa:

mid waa in uu sumoobay, oo waxaa la dhahaa xasaskiis mid ka mid ah ayaa rabtay iney sumeeso xaas kale caano sumeysan ayeena u sameesay al-mahdi ayaa cabay asoo ogeen.

Tan kale waxaa la sheegaa maalin ayuu almahdi aaday ugaarsi, ugaar buu bursaday wuxuuna ka galay meel juq ah faraskii ayaa ka daba galay dhabarka ayuuna ka jabiyay isla markiina wuu dhintay.

Tilmaamihiisa wax ka badal

Xigasho wax ka badal