Masaajid
Masaajid waa meel Cibaado oo ay Musliimiinta ku gutaan shanta Salaadood ee waajibka ah,waxaa kaloo lagu magacaabaa Jaamic. magaca masjidna waxa uu kula baxay waa goob loogu sujuudo ilaahay way masjid waa meel dhisme ah oo ilaahay lagu caabudo marka goobtaa dhismaha ahi ay aad u wayntahayna waxa lagu magcaabaa jaamic, masjid al jaamic. badanaa masajidku waxa uu yeeshaa qiblo taas oo noqota jihada hadba ay masaajidaka ka xigto kacbada
masaajida ugu waawayn
wax ka badalSida ay aaminsanyihiin dhamaan muslimiintu waxa jira sadex masjid oo ilaahay khusuusiyaad gaar ah siiyay. waxaanay kalyihiin sidan masjid xaraamka oo kuyaala magaalda maka kaas oo ay kutaalo kacbadu masjidka nabiga oo kuyaala magaalda madiina iyo masjid al qasaa oo kuyaala falastiin gaar ahaan magaalda qudus
masjidkii ugu horeeyay
wax ka badalWaxa ay muslimiintu aaminsanyihiin in masaajidkii ugu horeeyay ee ladhisaa uu ahaa, masjid xaraamka
dawrka uu masjidku qabto
wax ka badalMasjidku waa goob lagutukado waxa kale oo marmarka qaarkood loo adeegsadaa in lagu barto quraanka iyo culuumta islaamka.
Tobanka masjid ee ugu waaweyn caalamka
wax ka badal- masjid xaraam wuxuu ku yaalaa dalka sucuudiga wuxuuna qaadaa 4,000,000 oo qof
- masjidka nabiga wuxuu ku yaalaa sucuudiga wuxuuna qaadaa 1,000,000
- xaramka imaam ridaa wuxuu ku yaalaa dalka iiraan 700,000 oo qof ayuu qaadaa
- masjid feysal wuxuu ku yaalaa dalka bakistaan 300,000 oo qof ayuu qaadaa.
- Taajul masaajid dalka hindiya ayuu ku yaalaa wuxuuna qaadaa 175,000 oo qof
- masjidka madax banaanida ee induniisiya wuxuu qaadaa 120,000 oo qof
- masjidka aljeeriya wuxuu qaadaa 120,000 oo qof
- masjidka boqor xasan labaad dalka marooko ayuu ku yaalaa 105,000 oo qof ayuu qaadaa,
- masjid baadi shaahi dalka bakistaan ayuu ku yaalaa 100,000 ayuuna qaadaa
- masjid jaamic ee hindiya wuxuu qaadaa 85,000 oo qof [1].
Xigasho
wax ka badalIslām—The Way to God by Submission (en)