Maraq
Maraq (Af Ingiriis : soup; Af Carabi : ar) sidoo kale loo yaqano Faxfax waa dareere ka mid ah cuntada dadka taasi oo ka samaysan biyo, khudaar, midho, hilib, xawaash iyo noocyo kale oo geedo ah. Maraqu waa cunto la diyaariyo, waxa sida badan laga sameeyaa iskudarka biyo, khudaar (barandho, basal, tamaandho, kaabaj, toonta iwm), hilib (sida hilibka xoolaha, digaaga iyo kaluunka), xawaash iyo noocyo kale oo midho iyo khudaar ah. Maraqa waxaa lagu kariyaa dheri ama digsi si loo helo dhadhan fiican wuxuu qaataa xoogaa wakhti ah.
![]() Maraqa laga sameeyo khudaarta | |
Nooca | Maraq khudaar, maraq hilib, faxfax |
---|---|
La soo bandhigay | wakhtiyo hore |
Midab | Dareere (biyo, khudaar, hilib, xawaash) |
Dhadhan | macaan, dhanaan, udgoon |
Sida caadiga ah, maraqa waxaa loo qeybiyaa labo nooc: maraq fudud iyo maraq culus. Maraqa fudud waa mid ka sameeysan biyo iyo xoogaa yar oo khudaar ah, isla markaana qaata wakhti aad u kooban. Halka maraqa culus ka sameeysan yahay hilib, khudaar badan iyo xawaash kala duwan.[1]
Maraqa kaligiis waa la cabi karaa, sidoo kale waxaa lagu darsadaa cuntada. Marar badan waxaa lagu cunaa rootida, canjeeroda, sabaayada iyo noocyada kale ee cuntada ah.[2]
MuuqaalkaEdit
- Muuqaalada Maraqa
Qoraalo La XidhiidhaEdit
TixraacEdit
- ↑ Thickening Soups. Bhg.com. Retrieved on 2 May 2013.
- ↑ "Soup vs. stew: Difference in details, Goltz Eileen, The Journal Gazette (Fort Wayne, Indiana), 9 November 2008". Waxaa laga kaydiyay the original 11 Bisha Sideedaad 2011. Soo qaatay 22 Bisha Sagaalaad 2015. Barameter aan la aqoon
|ciwaan=
ignored (caawin); Hubi qiimaynta taariikhda:|access-date=, |archive-date=
(caawin)
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: |