Lo'

jinsi ka mid ah xaywaanada naasleyda ah lana dhaqaaleysto
Lo'
Lo'
Kala soocida cilmiga ah
Boqortooyo: Animalia
Qaybinta: Chordata
Gacalka: Mammalia
Dirka: Artiodactyla
Bahka: Bovidae
Duulka: Bos
Noocyada: B. taurus
Magaca laba-geesoodka ah
Bos taurus
Linnaeus (1758)
Meelaha laga heli karo lo'o

Lo' (Ingiriis: Cattle) ama sac waa xoolo gurijoog ah oo dadku dhaqdaan. Si la mid ah noolaha kale, lo'du waxay u kala baxdaa dibi oo ah lab la xardhay, yoc oo ah lab la xardhin, iyo sac oo ah dhedig. Sidoo kale, lo'du waa xayawaan naasley ah. Taas micnaheedu waa in sacu nuujiyo ilmahiisa.

Lo'da dhedig waxay leeyihiin 4 naasoo oo caano fiican laga helo. Sacaha waxa laga maalaa caano la cabo, mar ahaantaana laga sameeyo subag, burcad, yoghurt iyo waxyaabo kale.

Dhinaca kale, lo' labeed oo ah dibida waxaa loo isticmaalaa in beeraha lagu qoto, wax lagu jiito iwm.

Isku soo duuboo, lo'du waxay quudisaa shacabka aduunka ayadoo hilibkooda oo la cuno.

Wakhti laga joogo 10,500 oo sano, ayaa lo'da lagu dhaqan jirey koonfurbari dalka Turkiga. Intaas oo qarni oo ka dambeeysay lo'du waxay ku faafeysay dunida. In ka badan 1.3 bilyan oo lo' ah ayaa maanta ku nool daafaha dunida.

Guud ahaan, lo'du waa xoolo muhiim u ah aadamaha ayagoo laga helo hilib uu nafaqo ka helo jidhka dadku, dhogor laga sameeyo dharka, xadhkaha iwm. Intaas waxaa dheer, saxarada xoolaha laga helo waxaa lagu nafaqeeyaa carada.