Shilin Soomaali
Shillin Soomaali (Astaanta lacagta: Sh.So.; Af Ingiriis : Somali Shilling; Af Carabi : ar; Af-Taliyaani : scellino; ISO 4217 code: SOS) waa lacagta lacagta rasmiga ah ee dowlada Jamhuuriyada Soomaaliya taasi oo laga isticmaalo dalka Soomaaliya, marka laga reebo gobolada Waqooyiga. Lacagta Shillin Soomaaliga waxaa loo sii kala qeybiyaa (loo jejebiya) 100 senti (English: cents, Af-Talyaani: centesimi).
Shilin Soomaali | |||
---|---|---|---|
Kumi | |||
| |||
ISO 4217 fure | SOS (Tiro 706
| ||
Bankiga dhexe | Bankiga dhexe ee somalia | ||
Website | Bankigadhexe.so.gov | ||
Taariikhda ay bilaabantay | 1976 | ||
Xigasho | Bankigadhexe.so.gov | ||
Adeegsade | Somalia | ||
Sicir barar | sare | ||
Ilaha warbixinta | The World Factbook, 2010 est. | ||
Qaybaha | |||
500/1000 | Lacag | ||
Sumad | SOS | ||
Lacag | SO | ||
Loo yaqaan | Kumi | ||
Lacag | shilin | ||
Wadartooda | kumi iyo taano | ||
Lacag | Boqol iyo koow | ||
Toos loo. adeegsado | 1000 shilin | ||
Aan badanaa la adeegsan | 100 shilin | ||
Toos loo. adeegsado | 500 shilin | ||
Aan badanaa la adeegsan | Kumi, Taano, Shilin, 5 shilin, 10 shilin, 20 shilin, 50 shilin |
Lacagta shilinka soomaaliga ah waxaa bangiga dhexe soo saartay taariikhda marka ee eheed 1962i.Markii hore waxaa la isticmaali jiray lacagta talyaaniga.
Shilinka soomaaliga (1 Taano) (1 Cent) Kumi (10 Cent) Nus Shilin (50 Cent)
Lacagta shilinka soomaaliga ah waxee markeeda hore ka koobneed warqado iyo birar. Lacagta ugu yareed neh waxee eheed 5senti. Maanta soomaaliya lacagta ugu yar waa 1000 shilin.Sidii ee u dhacday dowladii dhexe, bangiga dhexe ee soomaaliya ma soo saarin lacag cusub, sidaas darteed ayaa lacagti tartiib tartiib uuga dhamaatay dalka.wixii ka danbeeyay 2000 waxaa dhacday in shilin soomaaliga lagu soo sameeyo dalka dibadiisa. lacagihii 20, 50 iyo 100 oo soomaaliya inteeda badan ka suushay xiligii ee dowladii siyaad barre dhacday ayaa wali laga sii isticmaalaayay magaalada burco oo kaliya ilaa 2011, waa markii laga joojiyay. Lacagtii ugu danbeesay oo soomaaliya ka dhacdo waxee eheed 500 oo soomaaliya oo dhan ka dhamaatay sanadihii 2000. shilimadii ay kamidka ahaayeen 5, 10 50, waxa la adeegsan jiray sanadihii 1976.Badanaa lacagta soomaaliga waxaa la sameeyay markii la qoray farta soomaaliga ka dib 1975.