Laasqoray

Laasqoray (Af-Ingiriis: Las Khorey, Af-Carabi: لاسقُرَى Lāsqoray) waa magaalo xeebeed qadiimi ah taasi oo ku taal waqooyiga gobolka Sanaag ee jamhuuriyadda Somaliland. Magaalada Laasqorey waxaa ku taala Dekada Laasqorey oo ka mid ah dekedaha ugu da'da weyn deegaanka Geeska Afrika.

Laasqorey
لاس قُرَي
—  Magaalo  —
Muuqaalka magaalada Laasqorey
Laasqorey is located in Somaliland
Laasqorey
Laasqorey
Halka ay kaga taalo Somaliland
Dhacdaa: 11°11′N 48°13′E / 11.183°N 48.217°E / 11.183; 48.217Isuduwe: 11°11′N 48°13′E / 11.183°N 48.217°E / 11.183; 48.217
Wadanka  Somaliland
Gobol Sanaag
Degmo Degmada Laasqorey
Tirada dadka
 • Guud ahaan 90,000
Saacad EAT (UTC+3)

Taariikh ahaan, magaalada Laasqorey waxay xarun u ahaan jirtey Saldanadii Warsangaliga.

Faallo

Laasqoray waa magaalo xeebeed oo ku taalo gobolka Sanaag ee jamhuuriyadda Somaliland. Magaaladaan aad iyo aad ayuu u jawi wanaagsan yahay, waxaana magaaladu ay leedaahay warshada caanka ah ee kaluunka.

Taariikh

 
Calanka USP ee bulshada Warsangeli iyo Dhulbahante

Saldanadii Warsangaliga waxay ahayd boqortooyo Soomaaliyeed taasi oo u talin jirtey deegaano badan oo ka mid ah waqooyibari iyo koonfurbari wadanka maanta loo yaqaano Soomaaliya.[1] Saldanadani waa midi ugu awood badneyd ee ka arimisa deegaanadaasi, waxaana saldhigyadeeda ugu waaweyn ka mid aahaa gobolka Sanaag iyo dhamaan deegaanada hoos yimaada gobolka Bari. Sidoo kale waxaa saldanadan hoos iman jirey dhamaan deegaanada maanta loo yaqaano Maakhir.

Saldanada Warsengali waxaa la aasaasay dhamaadkii qarnigii 13aad, deegaanada waqooyiga Soomaaliya. Waxaa rukunada u dhigay saldanadani dad badan oo deegaanka ku dhaqan, waxaase lafdhabar u ahaa beesha Warsangali oo qeyb ka ah beelweyta Daarood.

 
Warsangali Sultanate in 1857.

Dekada Laasqorey

Dekada Laasqory waa dekad ku taala xeebta magaalada Laasqorey, deegaanka waqooyi maamulka Somaliland. Dekadani waxay ka mid tahay kuwa ugu weyn ee mashquulka badan Geeska Afrika.[2]

Muuqaalo

Sidoo kale fiiri

Tixraac

  1. Culture and customs of Somalia p. 138
  2. "Istanbul conference on Somalia 21 – 23 May 2010 - Draft discussion paper for Round Table "Transport infrastructure"" (PDF). Government of Somalia. Retrieved 31 August 2013. 
 
Laasqoray

{{MGS | gobol = Sanaag | list = Badhan · Buraan · Ceelbuh · Ceerigaabo · Ceelafweyn · Damala Xagare · Beerwayso · Elaayo · Gar Adag · Galbarwaaqo · Laasqoray · Maydh · Mindigale · Xingalool · Yubbe Beerwayso{{.}} Xamilka{{.}} Boodhley {{.}}Bacoolo{{.}} Karinbiyood -->