Ayrland

(Waxaa laga soo toosiyay Ireland)

Coordinates: 53°20′39″N 6°16′3″W / 53.34417°N 6.26750°W / 53.34417; -6.26750

Jamhuuriyadda Ireland
Republic of Ireland
Calanka Ireland Astaannta Qaranka ee Ireland
Calan Astaannta Qaranka
Astaanta Calanka
Calanka Irland
Location of Ireland
Location of Ireland
Caasimada Dublin
Luuqada(ha) Looga hadlo Ingiriis, Irish
 -  Madaxweyne Michael D. Higgins
 -  madaxwayne kuxigeen Micheál Martin TD
Ka xoroobey Gumeystihii ingiriiska 
 -  Taariikhda 24 April, 1916 
Area
 -  Total 70,273 km2 (119th) km² 
68000 sq mi 
 -  Biyo (%) 1.6
Cadadka Dadka
 -  (2008) (2012) qiyaas 4,581,269 3 4,722,028 
Lacagta Euro
Wakhtiga UTC+1 

Jamhuuriyada Ireland afka Iriska weaxa loogu dhawaqaa (Éire) Waaqaybta uguwayn jasiirada Irland waxa ay kutaalaa koonfurta bari ee Badweynta Atlaantik ingiriiska iyo Irland waxa udhexeeya marin yar oo bad ah.

Wadanka Irland waxa uu soomaray taariikho gaar ah waxyaabaha ay taariikhda Irland kaga duwantahay taariikhha kale waxa kamida marka koobaad Irland waxa ay kutaalaa goob ahamid juquraafi leh talabaad waa xidhiidhka ay la leedahay wadanka Ingiriiska oo dhawr jeer isku dayay in uu qabsadoo wadanka Irland. tasadexaad dagaalada lagu hoobtay ee Irland ay soomartay.ta afarad waa dhibaatooyinka dhanka diinta ee soogaadhay shacabka kunool wadanka irland kaas oo kaga imanyay dhanka kaniisadaha waxa intaa u dheer dhibaatooyin siyaasadeed iyo dhaqaale oo in badan oo shacabka Irland ah ku kaliftay in ay dabada u haajiraan,markii u horaysay ee Irland laga haajiraa waxa ay ahyd 6000 kahor dhalashaddii nabi Ciise markaas oo ay wadanka soo galeen dad kayimi xaga [[Skotland] kuwaas oo qabsaday Irland.hijradii labaad ee wadanka Irland laga guuraa waxa ay dhacday sandkii 2000 kahor dhalashaddii nabi Ciise C.S, diinta kiristanku waxa ay wadanka Irland gaadhay qarnigii lixaad ee taariikhda miilaadiga, kadib markii ay wadanka gacanta kudhigiin dadkii looyaqaanay Noormaanka Normans kadib waxa wadanka qabsaday ingiriiska sanadkii 1172 xiligaas waxaa ingiriiska boqor ka ahaa Henry II sanadkii 1801 Irland waxa ay kamid noqotay Midowga boqortooyada Britan sanadkii 1916 qolyaha xagjirkaa ee Irland ayaa waxa ay bilaabeen dagaal kacaana oo ay kagasoo horjeedaan gumaystihii ingiriiska laakiin kacdoonkaasi wuu fashilmay oo dadkii ka qaybqaatay badidoodii waa latoogtay. sanadkii 1921 ingiriisku jasiirada Irland waxa uu u qaybiyay laba qaybood.sanadkii 1922 waxa madax banaani qaatay wadanka looyaqaano hada Jamhuuriyada Irland, halka qaybta waqooyi ee jasiiradu ay kasii midtahay ilaa iminka Midowga boqortooyada Britan taas oo keentay dagaal sokeeye oo ilaa iminka aan laxalin.

Badhtamaha dlka Ireland, waa dhul banaan oo hooseeya waana dhul beereed, waana dhul kaymo ah waxa kuyaalo harooyin aad iyo aad u badan, wabiga ugu dheer wadanka waxa lagu magacaabaa. Wabiga Shannon harada wadanka ugu wayn waxa lagu magacaabaa (Lough Neagh

Cimalda Jamhuuriyada Ireland xiliga Jiilaalka aad ayay u qabawdahay.heerka qabawgu waxa uu gaadhaa darajada fadhiisiga biyaha iyo wixii dareera.laakiin xiliga Xagaaga cimilada Ireland waa meel dhaxaad maalinkastana waxa da Roob

Magaalooyinka ugu waawayn

wax ka badal

Magaalada Dublin waa caasimada Ireland waana magaalda ugu wayn waxaa kunool dad gaadhaya 499,156 kun oo qof, magaalada labaad ee ugu wayn wadanka waxa weeye magaalda Corcaigh magaalda sadexaad waa Gaillimh

Dhaqaalaha

wax ka badal

Suuqa Ierland waa mid yar marka loo eego suuqyada Yurub ee kale laakiin waa suuq dagan oo waxkal iibsi uu kasocdo