Goobta:

Dinsoor
Lua error in Module:Location_map at line 414: No value was provided for longitude.
Country Somalia
RegionBay
CapitalDinsoor
Dowlada
Aag saacadeedUTC+3 (EAT)

Juquraafi ahaan waxay ku taalaa dhinaca Koofur Galbeed ee Xarunta Gobolka Baay, waxayna u jirtaa ugu badnaan marka la maro dhinaca Qansax dheere 150 Km, halka jidkii hore ee tooska ahaana ay u jirto 120-Km.

Xuduudaha:

Degmada Diinsoor Dhinaca Woqooyi waxay xuduud la leedahay Degmada Qansax dheere, Bari Buur Hakaba, Galbeed Saakoow, Koofur Baraawe, waxay kaloo xuduud la leedahay dhinaca Woqooyi Bari Degmada Baydhaba, dhinaca Woqooyi Galbeed Baardheere iyo Qansax dheere, dhinaca Koofur Galbeed waxay xuduud la leedahay Bu’aale oo ah xarunta Gobolka J/dhexe iyo dhinaca Koofur Bari oo ay xuduud la leedahay Degmada Qoryooley oo ka tirsan Gobolka Sh/hoose.

Diinsoor waa degmo ka tirsan Gobolka Shabeellada hoose waana degmo istaraatiiji ah degmada wax soo saarkeeda waxuu ku tiirsan yahay wax soo saarka beeraha iyo xoolaha nool.

degmadaa

Wax soo saarka degmada:

Degmada Diinsoor waxaa ku wareegsan Buuro, marka laga reebo dhinaca Woqooyi oo ay ku leedahay Dhul beereed aad u weyn, waxayna caan ku tahay dhaqashada Xoolaha iyo Beeraha, dhulkeeduna wuxuu isugu jiraa Buuraley, Dhul Beereed,  dhul daaqsimeed in ka badan 200 nooc oo dhir ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin Geedka Galoolka, Xararr, Dambal, Yaaq, Quracyo waaweyn, Cadaada, Xanannka iyo Geed miroodyo fara badan oo leh Xamur Gobka, Xamur, Mareer, Xanshile, Hohobta iyo kuwo kale oo fara badan, waxay kaloo degmada Diinsoor leedahay Dhul banaan ah iyo Dooxooyin waaweyn oo xiliga Roobku uu da’ayo ay maraan Biyaha Xareeda oo ay soo rogaan Buuraha iyo dhulka Taaga ah, islamarkaana ku shuba Wabi Shabeele iyo Juba.

Inkastoo gobolada Sh/hoose iyo Sh/dhexe lagu tilmaamo goob nabadeed diinsoor waxay kamid tahay goobta ugu nabadda iyo amniga badan degmooyinka Gobollada soomaaliya

Diinsoor waa magaalo barakeysan, marka la eego wadanka somali. dadka dego waa dad isku xiran, kalsooni leh. Diinsoor waxa lagu bartaa quraanka kariimka iyo cilmagiisa, waxaa diinsoor ku dhashey ama ku wax bartey wadaado caan ah.

Degmada Diinsoor waa degmada keli ah oo dagaalka sokeeye uusan weli saamaynin magaaladana maalinba maalinta kadanbeyso waysii weeynaaneeysaa amaankeeda dartiisa.

Degmada Diinsoor waa degmada ugu weyn degmooyinka Somalia oo dhan xitaa waxaa ka weyntahay qaar ka mid magaalo madaxyaalka qobolooyinka qaarkood.

Beelaha dega:

Degmada beelaha Cawrmale, Dabare,Geelidle, Habargidir Gaaljeceel Doqon diide iyo Beelaha kale sida Ajuuraan iyo kuwo kale oo yar yar. Degmada waxaa kasoo baxay siyaasiyiin caan ah, aqoonyahanada maadiga iyo diinta. Hadaba Hamoogaan inaad booqatid Hoyga Nabada Soomaaliya oo lagu tiriyo inay tahay Degmada diinsoor.

Degmada Diinsoor waxaa ku badan dadka Dariiqada Suufiyada ee Saalixiyada ku xiran iyo reer Guuraa. Xilliyadii hore waxaa dadka ku dhaqan degmada lagu qiyaasi jirey in ka badan 40,000 oo Ruux in ay ku nool yihiin, markii ay jirtey Dowladii dhexe ee Soomaaliya, halka maanta markaad eegto ay u muuqdaan in ay ku Shan jibaar mayaan.

Tuulooyinka Degmada Diinsoor:

Degmada Diinsoor waxaa hoos yimaada 8 Tuulo oo waaweyn, sida Tuulada Yaaq Baraawe, Raaxoole, Kanaanax, Safar Noolaay, Tugaar Hoosle, Kurmaan, Gurbaan, iyo Xabiibayaal, dhamaan Tuulooyinkaas intooda badan waxay u muuqdaan kuwo noqon kara Degmooyin kale, marka iyada laga reebo.