Saakow waa magaalo u dhexeysa Bardhere, Diinsoor iyo Bu'aale. Waxaa dega beel weenta surre ee gaar ahaan Qubeys iyo qowmiyada digil iyo mirifle gaar ahaan beellaha geelidle iyo macallinweyne leysaan sido kale waxa dagan beesha Murule iyo beelooyin kale ee Soomaaliyeed . Saakow Waa magaalo intaas oo dhinac laga soo geli karo. Waa magaalo dhan ka ah gol (dhul biyo leh) dhanka kalena ka ah wayaan. Hadaba beeraha ku yaala waxkasta ayaa ka baxa sida basasha, sisinta, canbaha iyo qudaarta kale, dhanka wayaantana waxaa ka baxa moordida (haruur), sisinta i.w.m . Waxa degmo laga dhigay 1973 xiligii dawladii kacaanka waxaa 40 km dhinaca koofureed ka xiga Danwadaagta Dajuuma oo abaartii dabadheer lasoo dejiyey in ka badan 60,000 oo lag a keeney goboladii waqooyi iyo dhexe, Degmada waxaa Mara wabiga jubba.