Baydhabo (Af Ingiriis : Baidoa; Af Carabi : ar‎), waa caasimad ku taala koonfurgalbeed gobolka Baay ee wadanka Soomaaliya. Sida ku xusan taariikhda, wakhtiyadii hore, magaalada Baydhabo waxay xudun u ahayd Saldanadii Ajuuraan.[1]

Baydhabo
Baidoa

بيدوا
Caasimad
Baidoa
Baydhabo Baidoa is located in Somalia
Baydhabo Baidoa
Baydhabo
Baidoa
Meesha Soomaaliya kaga taalo.
Wadan Somalia
GobolBaay
DegmoDegmada Baydhabo
Dowlada
 • NuucaGobolka Koonfur Galbeed
Tirada dadka
 • Dhammaan1.4 million
Aag saacadeedUTC+3 (EAT)
Furaha+25261
Websiteiswo.so Mayor Mr. Cabdullahi Cali Watiin

Faallo

File:Qariirad.jpg
Baydhabo

Baydhabo waa magaalamadaxda gobolka Bay ee dalka Soomaaliya, waxayna dhanka Koonfur-Galbeed ka xigtaa magaalamadaxda Muqdisho, oo ay u jirto 250 km. Waxayna saldhig u noqotay mar Dowladdii Ku meelgaarka ahayd ee Soomaaliya iyo Baarlamaanka. sidoo kale waxay xarun u ahaan jirtay qabqablayaashii Dagaalka. BAYDHABO waxey kutaalaa meel aad istiraatiiji u ah, waana magaalo madaxda gobolka baay.Magaaladaan waxaa ku nool dad Ku hadla Afka Maay maay ah una badan dadka magaalada taariikhda ku leh ee Rewing.Qabiilada baydhabo degan waaraxanwayn kuwaas oo ah Digil & mirifle , laakiinse ee sheegtaan in yihiin Reer Baydhabo, Waxaa ay dadka gobolkaas ku faanaan, dadka degan magaalada, sida eey u jecelyihiin magaalada iyo dadka degan.Reer baydhabo Qabilada Ugu waa weyn Waxaa ka mid ah 1-Hariin,2-Eelaay,3-Leysaan waa dad reer baydhabo la isku yiraahdo. Bay-dhabo.magaalada waxaa ka soo jeeda culumo caan ku ah dhanka diinta, waxeyna baydhabo eheet meelaha ugu quraan barashada badan. baydhabo waa magaalo cajiib ah oo ilaaheey ku maneestay qurux dabiici ah. waana meelaha soomaaliya ugu qabow.baydhabo waxay leedahay ilo aad u biyo badan oo aadna caan u ah.Kuwa ugu caansan waxaa ka mid ah (gebooda), (Bohol), (Galaanjo), (lama Mukiyo), waxayna leedahay ugu yaraan 5 Buundo, waana magaalo aad u dhismaysa.baydhabo waxaa ee isku xirtaa magaalooyin aad u farabadan oo ay ka midtahay caasimada dalka ee muqdisho.Dhalinyarada baydhabo waa kuwo xooga saaro wax barashada.Badankooda waxeey dhigtaan jaamacadaha iyo kollejyada.Dhalinyarada baydhabo waa kuwo dadaalo, umana badna waxa dhalinyarada gobolada kale ee ku mashquulsanyihiin , sida balwada, iyo waxa ee dhalinyarada waqtiga iskaga dhumiyaan ama waxa ee u heestaan horumar.Dhalinyaradaan waa kuwo tashada isna waansata, iskana ilaalisa dhalinyarada ciyaal suuqa noqota.Dhalinyardaan waa kuwo jecel dhaqanka soomaaliyeed.baydhaboo qofkii tagaa tagee , waa meel aan marnaba la ilaabi karin.Waana meel aan loo dhameyn karin indhaha sida dooga cagaaran.Baydhabo waa meesha Soomaaliya marka loo sii fiiriyo waa meesha ugu fiican uguna barwaaqa sooran baydhabo hada ayaa lagu dheelay maahanee walaahi ayaan dhahay ee waxey ahaan jirtay meesha ugu wanaagsan somaaliya baydhabo janaay.magaalada waxey caankutahay dadka dega waa dad reer guuraa iyo beeraley ah waa dad nabada jecel oo diinta aad ugu dhaqma.

Waxbarashada

magaaladu waxey hadda ka furan 5 jaamacadood iyo ugu yaraan 50 iskuul oo isugu jira hoose, dhexe iyo sare. hadaan soo qaadano jaamacadaha waxaa ka mid ah: jaamacadda Baidoa International University (BIU), jaamcadda koonfurta soomaaliya(USS), jaamacada baay, jaamacadda jubada sare. sidoo kale hadeyno soo qaadano iskuulada ugu muhimsan waxaa ka mid ah: iskuulka hoose, dhexe iyo sare ee salaaxudiin,iskuulka hoose, dhexe iyo sare ee sahal macalin ciise pss iskuulka hoose dhexe iyo sare ee alqalam, iskuulka hoose, dhexe iyo sare ee moodel, iskuulka hoose, dhexe iyo sare ee baydhaba, iskuulka hoose, dhexe iyo sare ee albashaa'ir, iskuulka hoose, dhexe iyo sare ee macmuur, iskuulka hoose, dhexe iyo sare ee almacrifa, iskuulka hoose, dhexe iyo sare ee almacruuf, iskuulka hoose, dhexe iyo sare ee alqudus iyo kuwo kaloo badan oo aan halkan kusoo koobi karin. jaamacadaha magaalada ku yaala waxaa wax ku barta ardey ka kal imaada gobolada koonfureed. magaalada waxey ka mid tahay magaalooyinka ugu waxbarasho wanaagsan oo waxey soo saartaa mutacalimiin aqoontooda tayeysan.

Ganacsiga

Magaaladu inkastoo aysan aheyn magaalo xeebeed hadana waa magaalo goob istiraatiiji ah ku taal, oo waxaa ku dhaqan ganacsato aad u firfircoon. dhaqaalaha magaaladuna wuxuu ku xiranyahay beeraha iyo xoolaha maadaama ay magaaladu qani ku tahay dhul beereed iyo xoolo badan. magaaladuna waxey xarun u tahay ganacsatada baay, bakool iyo gedo. Magaalada Baydhabo waxaa ka soo jeeda Abwaano caan ka ah Soomaaliya sida, Sahal Macalin Ciise, Maxamed Cumar Nidaam, Maxamuud Xaaji Maxamed Tarash, Abwaan Nuurdiin Dr. Yuusuf Abuukar "Gacma" iyo kuwa kaloo badan.

Sidoo kale fiiri

Xigasho

Tixraac

  1. "Nuqul Archive". African Union. Waxaa laga kaydiyay the original Bisha Labaad 22, 2014. Soo qaatay February 11, 2014.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin); Hubi qiimaynta taariikhda: |archive-date= (caawin)