Raxanweyn

(Waxaa laga soo toosiyay Raxanwayn)


Raxanweyn (Af ingiriis :Rahweyn; Af Carabi :رحنوين ) waa Beel kamid ah Beelaha Soomaalida kuwaasi oo degan Geeska Afrika . Raxanweyn Waa beel Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolada Bay, Bakool,Gado,Jubada Dhexe, Jubada Hoose & Shabeelada Hoose.

Raxanweyn
رحنوين
Flag of South West state of Somalia.svg
Meelaha ay ku badan yihiin
 Soomaaliya:

 Turkiga:

 Yemen:


 Kenya:

Luqada

Af-Soomaali iyo af Garre iyo af-Tunni iyo af-Dabarre

Diinta

ISLAM: Jamaacadaha Ahlu sunno waljamaaca, Suufi, Salafiya, Jama'atul Muslimin

Dadka ay dhalyo wadagaan

Dir, Hawiye, Daarood, iyo qabiilo Soomaali kale

Sodoo kale dalka kenya Iyo Ethopia .

Digil iyo Mirifle waa beel kamid ah beelaha soomalida , waa dad tariikh weyn ku leh dhulka somalida iyo wadamada Soomaaliya xaduudda la leh. Raxanweyn waa dad ilaah ku maneystay Kheyrad fara badan meelaha ay ka degaan dhulka soomaaliya, waayo meelaha ay ka degan yihiin dalka waa meesha laga helo 10% dhaqaalaha waddanka.

LUQAD

Digil& Mirifle waxay ku hadlaan lahjado fara badan; Beelaha Digilka waxey ku hadlaan ilaa 4 Lahjadood; Beelaha Mirifle waxay ku hadlaan Maay-Maay, oo xoogaa ka duwan Luqadda Soomaalida kale ku hadasho oo ah Lahjadda Maxaa-Tiri-ga loo yaqaano.

Ganacsiga iyo Waxbarashada

Digil & Mirifle waa dad xoolo dhaqato iyo beeroley ah .Digil iyo Mirifle waa bulsho dhulkeeda aad barwaaqo u ah oo laga soo saaro dhammaan waxa dalka laga cuno sida: Galleyda Masagada Qudaarta noocyadeeda kala duwan iyo waxyaabaha la dhoofiyo inta badan sida: Mooska oo ay Soomaaliya aad caanka ugu tahay, Babaayga, Qaraha,Bombeelmada iwm. Digil iyo Mirifle waa dad aaminsan wax soo saarka dhulka iyo dhaqidda xoolaha waana dad jecel nabad ku wada noolaashaha iyo martgelinta walaalahooda kale ee beelaha dalka wax ka deggan. Sidoo kale D&M waxay caan ku yihiin xafidka Qur,aanka iyo baridiisa Dhamaan geyiga Soomaaliya iyo xitaa dalalka deriska nala ah sida Kenya & Itoobiya. Macallimiinta qur'aanka ka dadka bara meel kasta oo soomaali ay ku nooshahay 90% waa Digil iyo Mirifle, Taasi oo ah hibo uu allaah ku manneystey. Digil iyo Mirifle waa qowmiyada keli ah ee laga heli karo (Aabe iyo hooyo iyo wiilashooda iyo gabdhahooda oo subac qur'aan u wada fadhiya, ayagoo xaafidiin wada ah) Taasi waa dhaqankooda soo jireenka ah ee Rabbi ku manneystay. Maanshaa Allaah. Digil- Mirifle waa dad nabada jecel samir badan.

DEEGAAN

D & M waxay degaan dhamaan koonfur galbeed soomaaliya labada webi iyo xitaa Ethopia,Kenya iyo meelo kale ee ka mid ah bariga Afrika.waaqabiilka ugu dhul qurxoon wuxuna dagan yahay labada wabi waxaana laga quudiyaah 18 ka gobol somalia tusaaale ahaaan waxaa ka baxa qudrada laga cuno dalka Soomaaliya oo dhan sida muuska cambaha liinta isbaandheys ka. sido kale beeshani waxa ay degtaa Baay, bakool, jubbada dhexe, jubbada hoose, Gedo, iyo shabeelaha hoose.

MIRIFLE

waxay ukala baxaan sagal iyo sideed Dhalsha haan qaar waa digil qaarna waa ilma cumar diin khuduub faqi cumar.

    • Sideed
      • Waxaa loo qaybiyaa saddex :
      • AFAR BOQOL HORE : (Eemid, Yalalae ,Qoomaal iyo Disoow) oo ah Ilmo Hinjinle dhergane Midoobe Mirifle Maxamed Raxanweyn.
      • AFAR BOQOL DHAXE : waa labo :
        • Labo harqaan (Leeysaan iyo Haraaw) Leyasaan Inta dhaladka ah waa ilmo Haraaw , Haraawn waa ina Hinjinle digil mirifle.
        • Afar Reer Baay(Macalin weyne ,Reer dumaal ,Garwaale iyo Jiroon) waa digilmirfle , inta dhaladka ah waa Ilmo Daawuud Hinjinle .
        • BOQOL DAMBE (Hariin,Eelaay iyo Heleda) Hariin inta dhaladka ah waa Hariin dhergane Midoobe Mirifle, Eelay waa Eelay midoobe , Heleda waa Heleda Cade mirifle.
        • Wanjheel
        • Asharaaf (oo ay deegaan kaliya kulmiyay laakiin abtirsiimo ahaan ah Ahlulbeyt )
      • Sagaal:
        • Labo Ceelqode(Geelidle iyo jilible) , waa Ilmo Ceelqode Ibraahim warantable Subuge Dab Cumar diin .
        • Labo Dhaah ( Yantaar iyo hubeerun), Yantaar Waa Yantaarow Cade mirifle , Hubeer waa ina Yaabur Samaale , waxaana kulmiyey Deegaan
        • Labo boroosiile(Hadamo iyo luwaay) Inta dhaladka ah Waa ilmo Sarme Shariif Dalwaaq Olmeer Qarsane Cumar diin
        • Sadex Ganaane (Gawaawiin , Eyle Iyo Gasaargude) Labada Hore Waa ilmo Eyle waxaana Kulmiyey iyaga iyo Raxanweyn Deegaan , Gasaargude Waa ina Xasan shariif

DIGIL

waxaa la sheegaa in digil uu ka koobanyahay todobo qabiil, ma aha sidaasi ee eeg qabaa'ilada kale iyo kuwa kaloo ka maqan halkan:

Sidoo kale fiiri

Tixraac

 
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: