Dambas

Dambasku waa hadhaaga dabka.

Dambas (ingiriis: Ash) waa budo cad, khafiif ah oo ka soo hadhay dab wakhti shidnaa. Dambasku waa hadhaaga ugu dambeeya wax kasta oo la gubo.

Dambasku wuxuu ka kooban yahay kimikooyin badan. Dambaska duxusha waxay ka samaysan tahay Isku dhisyada kaalshiyaam-kaarboonayt iyo kaalshiyaam-ogsaydh.

Waxaa jira noocyo badan oo kala duwan oo dambas ah taas oo ku xidhan shayga la gubey. Tusaale ahaan, dambaska sigaarka, dambaska dhuxusha iwm.

Guud ahaan, dambaska dhuxusha dhirta waxaa loo isticmaalaa in carada beeraha lagu daadiyo si loogu nafaqeeyo.

Wadanka Soomaaliya dhexdiisa, dambaska waxaa lagu dhex daraa buuriga afka la gashado si dhadhanka u bedelo.