Buuri (Af Ingiriis : Tobacco; Af Carabi : ar‎) waa geed ka mid ah dhirta nikootiinta leh. Sida la ogyahay, waxaa jira in ka badan 70 nooc oo buuri ah, kuwaas oo si kala duwan loo isticmaalo.

Nooc ka mid ah buuriga.
Caleenta buuriga.

Sheyada laga sameeyo caleenta, laamaha iyo jirida buuriga qalalan aad ayay u badan yihiin, waxaana ka mid ah sigaarka, sigaarka buuran, isnayfta sanka laga qaato, buuriga afka, buuriga la ruugo, buuriga shiishada iwm.

Buuriga ugu badan ee dunida laga isticmaalo waxaa markii ugu horeeysay laga helay qaaradaha Waqooyi Ameerika iyo Koonfur Ameerika halkaas oo dadka deegaanku isticmaali jireen. Laakiin maanta buurigu wuxuu ka baxaa wadano badan oo dunida ah, sida Ruushka, Turkiga iyo Hindiya.

Taariikhda Buuriga wax ka badal

Sida taariikhdu sheegtay, qarnigii 9aad ayaa qabiilo ka mid ah beelahii degenaa Waqooyiga Ameerika sida qabiilka Maaya loo yaqaan iyo Aztecs isticmaali jireen noocyo badan oo buuriga ama tobaakada ka mid ah.

Waxay ahay qarnigii 17aad markii buuriga la keenay qaarada Yurub halkaas oo loo farsameeyay qaabab badan oo ka mid ah buuriga aan maanta u naqaano, tusaale sigaarka.

Buuriga intiisa u badan waxaa dunida gaadhsiiyay gumeeystayaashii reer Yurub.

Isticmaalka Buuriga wax ka badal

In ka badan, 70% caleenta buuriga la soo saaro dunida waxaa laga sameeyaa sigaar.

Sanadkii 2002da tirokoob la sameeyay waxaa lagu ogaaday in 6.8 milyan ton la soo saaray, taas oo 5.2 milyan ton laga sameeyay qiyaastii 5.5 tiriliyan xabo oo Sigaar ah; taaso oo eey cabeen in ka badan 1.1 bilyan oo dad ah.

Inkastoo tirada cabitaanka sigaarka ee wadanada horumaray hoos u sii dhacayso, waxaa si xawaare badan u sii kordhaysa tirada dadka sigaarka caba wadanada soo koraya.

Cabitaanka Buuriga Sigaarka Lab iyo Dhedig (2000)
Boqolkiiba inta Cabta
Gobol Raga Dumarka
Afrika 29% 4%
Maraykanka 35% 22%
Bariga Mediterranean 35% 4%
Yurub 46% 26%
KoonfurBari Aasiya 44% 4%
Galbeedka Baasifiga 60% 8%

Noocyada Buuriga wax ka badal

 
Buuriga laga sameeyo Sigaarka Dunhill.

Caleenta, laamaha iyo jirida buuriga qalalan waxaa laga sameeyaa sheeyo aad u badan, waxaana ka mid ah sigaarka, sigaarka buuran (cigar), isnayfta sanka laga qaato, buuriga afka, buuriga la ruugo, buuriga shiishada iwm.

Guud ahaan, buurigu waa mukhaadaraad qaabkii doonaba haloo isticmaalee. Sida ugu badan jajabka geedka buuriga waa la qiijiyaa ayadoo la isticmaalayo siyaabo kala duwan. Tusaale ahaa, sigaarku waa buuri warqad cad oo khafiif ah ku duuban kaas oo afka laga nuugo qiiqiisa. Shiishada ama badeecadu waa la mid oo qidcad buuri ah ayaa dab dhuxul ah lagu shidaa, dabadeed qiiqa ayaa tuunbo lagu nuugaa.

Ganacsiga Buuriga wax ka badal

 
Caleemaha geedka Buuriga oo beer ka baxaya.
 
Diyaarinta buuriga.

Soo saarida buuriga aduunku 40% ayuu kacay intii u dhaxaysay 1971kii oo 4.2 milyan ton la soo saari jirey, iskuna bedeshay 5.9 milyan ton sanadkii 1997ka, iyo 7.1 milyan ton sanadkii 2010ka. Sidoo kale, wadano cusub ayaa ku soo biiray suuqa buuriga aduunka oo marka hore u xidhnaa wadano reer Yurub iyo labada Ameeriko. Wadano badan oo dunida soo koraysa ah ayaa bilaabay beerista iyo soo saarista buuriga.

Soo saarka buuriga ee wadanka Shiinaha ayaa kordhay 17% sanadkii 1971 ilaa 47% sanadkii 1997, sababtoo ah qiimaha badeecadooda ayaa aad u hoosaysay.

Guud ahaan, dunida waxaa la soo saaraa 6.7 milyan ton oo buuri ah. Wadanada ugu sareeya saarka buurigu waa Shiinaha (39.6%), Hindiya (8.3%), Brasil (7.0%) iyo Maraykanka (4.6%). Dhinaca kale, waxaa jira wadano badan oo tiro yar oo buuri ah soo saara. Kuwaas waxaa ka mid ah: Filibiiniska, Ruushka iyo Turkiga.

Khatarta Caafimaad wax ka badal

 
Sawirka nin cabaya Buuri wakhti lagu qiyaaso 1595.

Buurigu waa midka sadexaad ee mukhaadaraadka lala qabsado iyo kan afar-iyo-tobnaad ee 20ka mukhaadaraad ee ugu khatarta badan dunida.

Buuriga ama tobaakadu waxyaabaha ay ka kooban tahay aad ayay u kala duwan yihiin waanay khatar iyo halis badan yihiin. Tusaale ahaan, Sigaarku waxa uu ka mid yahay mukhaadaraadka, sababtoo ah waa wax lala qabsado oo qofka isticmaalo mar kasta u baahan yahay.

Cabitaanka buurigu waxay keentaa xanuuno badan, isla markaana bur-burisaa dhaqaalaha qofka isticmaala. Buuriga laga sameeyo sigaarka waxa ku jira kimikooyin badan ooy ka mid tahay Nicotine, taas oo ah daroogo halis ah oo waxyeeleeysa caafimaadka qofka isticmaalaya.

In ka badan 60% dadka isticmaala buuriga waxay u dhintaan xanuuno la xidhiidh asaga. Isticmaalka buurigu wuxuu keenaa cimri deg-deg, midabka oo is-bedela, ilkaha oo casaada iyo xanuuno badan oo halis ah sida xanuunka "Kansarka" sambabada, kansarka dhuunta, kansarka faruuryaha iyo kuwo kale oo badan.

Dumarka buuriga ku xidhan wakhtiga eey uurka yihiin waxay keentaa ineey dhalaan ilmo aad u liita oo misaankiisu ka hooseeyo ilmaha eey dhasho hooyo aan buuri isticmaalin.

Waxa intaas dheer, warshadaha sameeya buuriga iyo beeraha laga beero buurigu waxay shaqaaleysiiyaan caruur si ay yareeyaan kharashka soo saarista.

Sigaar cabid ma jiro wax ka badal

Qaar ka mid ah bulshooyinka diinta (sida Markhaatiyaasha Yehowah) waxaa saaran waajibaad ah inay si cad uga fogaadaan cabista sigaarka iyo isticmaalka tubaakada.[1][2]

Xigasho wax ka badal