Cismaan Keenadiid

(Waxaa laga soo toosiyay Cusmaan Yuusuf Keenadiid)

Cusmaan Yuusuf Keenadiid (Af Ingiriis : Osman Yusuf Kenadid, Af Carabi : ar‎) wuxuu ahaa nin Soomaali gabayaa, halabuur, qoraa, barre, hogaamiye iyo alife. Cusmaan waxaa si fiican loogu xasuustaa abuurida Farta Cismaaniya oo ka mid ah far-qorkii ugu horeeyay Taariikhda Soomaaliya.

Cusmaan Yuusuf Keynadiid
Osman Yusuf Kenadid
عثمان يوسف كينايديض
Ku dhashaySoomaaliya
QoomiyadaSoomaali
ShaqadaGabayaa, halabuur, qoraa, barre, hogaamiye
CiwaanSuldaanka Boqortooyadii Hobyo

Taariikh

Cusmaan Yuusuf wuxuu ku dhashay magaalada Gaalkacayo, ee ku taala badhtamaha wadanka Soomaaliya. Cusmaan waxaa dhalay Suldaankii Yuusuf Cali Keenadiid oo ahaa ninkii aasaasay Saldanadii Hobyo. Wakhtiyadii ugu horeeysay noloshiisa wuxuu Cusmaan ku soo qaatey meelo kala duwan asagoo waxbarasho diini iyo maadi ah ku mashquulsanaa. Markii aabihii geeriyooday, wuxuu Cusmaan la wareegay hogaanka Saldanadii Hobyo.

Intaas waxaa dheer, Cusmaan wuxuu qoray buugaag badan oo cilmi diini iyo maadi iskugu jira, kuwa ugu muhiimsan waxaa ka mid ah samaynta Far Soomaaliga, buugaag Juquraafi, Cilmi Fallag, Saynis, gabayo iyo taariikh iyo kuwo kale.[1]

Hordhac

Cismaan Yuusuf Keenadiid wuxuu ka mid ahaa halyayada u reebay ummadda afsoomaaliga ku hadasha summad iyo dhaxal gal qiime leh.

Wuxuu sannadkii 1920kii soo allifay far xuruufo dhammaystiran oo kaabi kara inlagu qoro Af-Soomaaliga. Fartaasi waxay ka mid tahay farihii u horreeyey oo qof soomaali ahi allifo, waayo aqoonyahannadii kale ee ay ka mid ahaayeen Sheekh Yuusuf Al Kawnayn "Aw Barkhadleh", Sheekh Aways, Ibraahim Bin Cabdalle Mayal waxay wax ku qori jireen far carabi la afsoomaaliyeey, oo waxay adeegsan jireen farta carabiga. Waxaa kale oo far gaar ah soo saaray Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Nuur oo isna far gaar ah lahaa.

Fartaas uu Cismaan Yuusuf Keenadiid soo saaray waxaa la yidhaahdaa Cusmaaniya.

Sidoo kale fiiri

Tixraac

  1. Wasaaradda Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha. Ministry of Information and National Guidance. p. 5 http://books.google.ca/books?id=v-GwAAAAIAAJ.  Maqan ama ebar |title= (caawin)