Shiikh Cabdiraxmaan Shiikh Nuur

(Waxaa laga soo toosiyay Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Nuur)

Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Nuur (Af Soomaali : Abdurahman Sheikh Nuur, Af Carabi : ar‎) wuxuu ahaa nin aqoonyahan, macalim, qoraa, mu'alif, hogaamiye diineed oo u dhashay dadka Soomaalida. Sheekh Cabdriaxmaan waxaa fadhigiisu ahaa magaalada Boorama, halkaasi oo ku dhigi jiray cilmiga diinta iyo maadiga, isla markaana ku alifey Farta Boorama.[1][2]

Cabdiraxmaan Sheekh Nuur
Abdurahman Sheikh Nuur
الشيخ عبد الرحمن نور
Ku dhashayqiyaastii 1880kii
Boorama, Soomaaliya
QoomiyadaSoomaali
Shaqadabarre, xaakim (qaadi)
CiwaanSheekh, mu'alif

Taariikh

Sheekh Cabdiraxmaan wuxuu ku dhashay isla markaana ku koray magaalada Boorama, ee waqooyiga Soomaaliya. Sheekhu wuxuu ka soo jeedaa beesha Gadabuursi, ee beelweynta Dir.[3]

Sheekh Cabdriaxmaan wuxuu markuu yaraa waxbarasho u tegay magaalada Harar, halkaasi oo ku soo bartey Quraanka iyo aqoon kale oo maadi ah. Wakhtigii dhalinyarnimadiisii wuxuu macalim Quraan ka ahaa deegaano badan oo Waqooyiga Soomaaliya ah oo wakhtigaasi hoostegayay maamulkii gumeysiga Ingiriiska. Sheekh Cabdiraxmaan waxaa aabo u ahaa Xaakim (qaadi) ka talin jirey maamulkii gumeysiga Ingiriiska.[4]

Sanadkii 1933, Sheekh Cabdiraxmaan wuxuu alifey hab cusub oo loo qoro Far Soomaaliga, kaasi oo ugu magacdaray Farta Boorama. Fartani wuxuu ugu talogalay in lagu qoro Af-Soomaaliga.

Farta Boorama

Borama
 
Nooca
line-height:1.25em
LuuqadAf-Soomaali

Farta Boorama (Af Ingiriis : Borama alphabet; Qaabka qoraalka:  ) (sidoo kale loo yaqaano: Far Gadabuursi) waa nidaam wax-qoris oo ka mid ah Far Soomaaliga taasi oo uu alifey Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Nuur. Sida taariikhda lagu hayo, Sheekh Cabdiraxmaan wuxuu alifey fartan sanadkii 1933 wakhtigaasi oo uu ku sugnaa magaalada Boorama, oo noqonaysa sababta farta loogu magacdaray magaaladaasi.[5]


Qoraalo la xidhiidha

Sidoo kale fiiri

Linkiyo kale

 
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro:

Tixraac

  1. I.M. Lewis (1958), The Gadabuursi Somali Script, Bulletin of the School of Oriental and African Studies, University of London, Vol. 21, pp. 134–156.
  2. Somali alphabets, pronunciation and language
  3. David D. Laitin, Politics, Language, and Thought: The Somali Experience, (University Of Chicago Press: 1977), pp.86-87.
  4. qadi (judge) of Borama. Sheikh Nuur would later follow in his father's footsteps by also becoming a qadi, albeit of the entire northern British Somaliland region.
  5. David D. Laitin (1 May 1977). University of Chicago Press. pp. 98–. ISBN 978-0-226-46791-7 http://books.google.com/books?id=LR8A4tEYZUAC&pg=PA98. Soo qaatay 2 July 2012.  Maqan ama ebar |title= (caawin)