Cabdiweli Gaas
Cabdiweli gaas (Carabi: عبدالولي محمد علي) wuxuu ahaa Ra'isul wasaaraha Dawladda kumeel gaarka ee Soomaaliya juun 2011 ilaa oktoobar 2012. Janaayo 2014 wuxuu noqday madaxwaynaha 5aad ee dowladda puntland.
Cabdiweli gaas />(Carabi) عبدالولي محمد علي | |||
| |||
la wareegay Xilka 8 Janaayo 2014 | |||
Kaga horeeyey xilka | Cabdihakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar | ||
---|---|---|---|
Ka qabtay xilka 19 Juun 2011 – 17 Oktoobar 2012 | |||
Madaxweyne | Sheekh Shariif Axmed Muuse Xasan Cabdulleh (Ku-simaha) Maxamed Cusman Jawaari (Ku-simaha) Xasan Sheekh Maxamuud | ||
kaga horeeyey xilka | Maxamed Cabdulaahi Maxamed | ||
kaga dambeeyey xilka | Cabdi Faarax Shirdoon | ||
Macluumaad gaar ah
|
|||
Ku dhashay | Dhuusamareeb, Soomaaliya | 2 Luuliyo 1965||
Xisbi siyaasadeed | Ururka Dadka Puntland (UDAD) | ||
Waxbarasho jaamacadeed | Jaamacada Ummada Soomaaliyeed | ||
Diinta | Islaam | ||
Website | Official website |
Taariikh nololeedka Cabdiwali
wax ka badalCabdiweli waa nin somali mareykan ah oo asal ahaan ka soo jeedo gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.
Wax barashada
wax ka badalCabdiwali wuxuu wax ku soo bartay jaamacado kala duwan oo dalka iyo dibada. wuxuu markiisa hore wax ku soo bartay Muqdisho , caasimada Soomaaliya. Sannadkii 1984, wuxuu ka qaatay shahaadada koowaad ee cilmiga dhaqaalaha ee Jaamacadda Qaranka Soomaaliyeed , isagoo ka qalin jabiyay shahaadooyin sarre.
xirfad
wax ka badalCabdiwali wuxuu agaasime ka soo noqday waaxda canshuuraha ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Dakhliga ee dowladdii dhexe bartamihii 1980-meeyadii. Intii u dhaxeysay 1988-kii ilaa 1991-kii.