Isuduwe 58°N 20°E

Yurub
maabka bada baldiiq
sawir gabal dhac ah bada baldiiq


Bada Baldiiq (Af Ingiriis : Baltic Sea; Af Carabi : ar‎) waxay ku taal woqooyiga yurub waxaa ku hareeraysan jasiirada wadamada loo yaqaan Scandinavianka[1], yurubta dhexe, yurubta woqooyi, yurubta bari, jasiiradaha denmark, waxay ku xirantahay biyo mareenka Øresund[2], iyo suunka wayn (Great Belt[3]) iyo suunka yar (Little Belt[4]), waa bad biyaheedu yihiin (Brackish water[5]) biyaha badda ka cusbo yar wabigana ka aan gaarayn oo ka cusbo badan, badaan ayaa badda cad uga darsanta marin biyoodka kanaalka bada cad[6], bada woqooyina waxay uga darsantaa kanaalka kiel ama (The Kiel Canal[7])

Dowladaha baldiiqa magacooda ayaa ka soo jeeda bada baldiiqa owaxayna kala yihiin (Latfiya, estoniya, iyo Lithuaniya)

Magaca wax ka badal

Qofkii ugu horeeyay ee magacaan u bixiya ayaa ahaa Adam of Bremen[8] oo jarmalka u dhashay isagoo ugu magac daray jasiirad ku dhex taal isla bada bildiiqa laguna magacaabo Baltia[9], waana magac loo bixiyay waqtigii roomaanka.

bada ayaa magacyo badan le hadba sida ay tahay luuqada cida tilmaamaysa:

Juqraafiga wax ka badal

Bada baldiiqa ayaa aad u qoto gaaban, moolka ugu dhexaadsan waa ku dhawaad 55 mitir, badaan ayaa la sheegaa inay tahay meesha ugu wayn aduunka ee ay ku jiraan isku milanka biyaha macaan iyo kuwa dhanaan, dhirikeedu waa ku dhawaad 1610 km, balarkeeduna waa 193 km, moolkeeda ugu dheer waa 460 m wuxuuna u dhawyahay wadanka iswiidhan, baaxadeeda aya u eg 377 kun oo isku wareeg, xeebteeda ayaa dhirirsan wax ka badan 8000 km.

Dowladaha wax ka badal

dowladaha kulaala badaan

wadamada aan saarnayn asi ay biyaha bada baldiiqa ka soo hooraan 

Laynka kanaalada wax ka badal

hada ayaa waxaa socda in ruushka lagu xiro midowga yurub xaga kanaalka gaaska dabiiciga ah ee hoos maraya bada baldiiqa

Tixraac wax ka badal