Afakadho

Nooc ka mid ah dhirta
(Waxaa laga soo toosiyay Avocado)
Kani waa maqaal ku saabsan midhaha afakadho.
Boga "avocado" halkan ayaa laga soo toosiyay
Afakadho
Close-up picture of foliage and avocado fruit
Midhaha afakaadhaha
Kala soocida cilmiga ah
Boqortooyo: Plantae
(darajo la'aan): Angiosperm
(darajo la'aan): Magnoliid
Dirka: Laurales
Bahka: Lauraceae
Duulka: Persea
Noocyada: P. americana
Magaca laba-geesoodka ah
Persea americana
Philip Miller
Eray la mid ah
  • Laurus persea L.
  • Persea americana var. angustifolia Miranda [1]

Afokadho (Af Ingiriis : avocado; Af Carabi : ar‎) magaca Saynis "Persea americana" waa geed asal ku ah wadanka Meksiko iyo Bartamaha Ameerika,[2] kaasi oo ka tirsan dhirta ubaxleyda ah nooca loo yaqaano "Laurakeae". Midhaha afakaadhuhu wuxuu leeyahay hilib cagaaran iyo laf weyn dhexda ugu jirta.[3]

Geedka afakaadhuhu waa mid aad ugu fiican ganacsiga waxaana laga beeraa deegaanada leh cimilo diiran ee caalamka oo dhan. Maqaarka sare ee midhaah afakaadhuhu waa cagaar madoow xiga, wuxuuna leeyahay qaabka wareegsan oo aad ugu dhow sida ukunta oo kale ah. Midhaha waxaa inta ugu badan laga soo guraa geedka afakaadhaha ayagoo ceyriin ah, waxayna ku bislaadaan meheradaha lagu gado.

Guud ahaan, midhaha afakaadhuhu waa mid leh nafaqo badan oo jidhka dadku u baahan yahay. Waxa midhaha afakaadhahu caan ku yahay duxda aan ahayn mid xayawaan ee loo yaqaano "pro-saturated fats". Faa'iidooyinka afakaadhaha waxa ka mid ah fiitamiino, fiber, borotiin iyo dux.


Taariikh wax ka badal

 
Geedka afakaadhuhu wuxuu leeyahay noocyo kala duwan

Geedka afakadhaha, saynis ahaan loo yaqaano Persea americana, waxaa ka aaminsan yahay inuu asal ahaan ka soo jeedo deegaanada Buebla ee wadanka Meksiko,[4] waxaase la sheegay in dhir u nooc dhow laga helay meelo badan oo kale sida waqooyiga Kalifornia, Maraykanka wakhti cimilada deegaanadaasi ahayd mid aad ugu haboon bixitaanka geedkaasi.[5]

Jaadyada afakaadhaha aan la dhaqanin oo Saynis ahaan loo yaqaano kriollo, waa mid ka yar xajmi ahaan, leh qolof madoow xigta, waxaanay leedahay laf aad u weyn.[6]

Si kastaba ha ahaatee geedka afakaadhuhu wuxuu caalamka ku fiday wakhtiyadii gumeystihii reer Yurub gaadhay qaarada Ameerika, ka dib gaadhsiiyeen deegaanadii kale eey gumeysanayeen. Maanta wuxuu ka baxaa wadano badan oo caalamka ah, waxaana meelo badan uu ka mid yahay cuntada maalin walba ee dad badan ku nool yihiin.

Magaca wax ka badal

Asal ahaan ereyga "afakaadho" wuxuu ka yimid erey Isbaanish ah aguakate, kaasi oo iyaga laftoodu ka soo amaahdeen luuqada Nahuatl ee dadka asal ahaan loogu tagay qaaradaha Ameerika.[7] [8]

Muuqaalka wax ka badal

Qoraalo La Xidhiidha wax ka badal


Tixraac wax ka badal


  1. "Nuqul Archive". Royal Botanic Gardens, Kew and Missouri Botanical Garden. 2010. Waxaa laga kaydiyay the original 2013-10-02. Soo qaatay 2015-09-22.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  2. Chen, H.; Morrell, P. L.; Ashworth, V. E. T. M.; De La Cruz, M.; Clegg, M. T. Journal of Heredity. 100 (1): 56–65. PMID 18779226. doi:10.1093/jhered/esn068.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  3. Storey, W. B. California Avocado Society 1973–74 Yearbook (PDF). 57: 70–71 http://www.avocadosource.com/CAS_Yearbooks/CAS_57_1973/CAS_1973-74_PG_070-071.pdf.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  4. Galindo-Tovar, María Elena 5, Arzate-Fernández, Amaury M., Ogata-Aguilar, Nisao, and Landero-Torres, Ivonne. Harvard University Herbaria http://www.bioone.org/doi/abs/10.3100/1043-4534%282007%2912%5B325%3ATAPALC%5D2.0.CO%3B2. Soo qaatay 2014-04-27.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  5. (PDF) http://www.avocadosource.com/CAS_Yearbooks/CAS_53_1969/CAS_1969_PG_059-060.pdf. Soo qaatay 2014-08-25.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  6. Villanueva, M. and Verti, S. (PDF) http://www.avocadosource.com/WAC6/en/Extenso/5c-234.pdf. Soo qaatay 2007-11-06.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  7. Nahuatl Dictionary/Diccionario del náhuatl Archived Diseembar 3, 2016 // Wayback Machine. Whp.uoregon.edu. Retrieved on 2013-07-25.
  8. Dakin, Karen. Universidad Nacional Autónoma de México, Instituto de Investigaciones Filológicas. p. 210. ISBN 968-5802-92-0. OCLC 10216962.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
 
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: