Ku mahadsanid booqashada aan ku timmaaday boggaygan wadahadalka.Waxa aan halkan kuugusoo tebinayaa Taariikhdayda iyo macluumaad Kooban oo kusaabsan sida aad iilasoo xidhiidhi kartid.Waxa aan rajaynayaa in booqashadaadani noqoto mid midho dhal oo aniga,adiga iyo ummada soomaaliyeedba anfacda.Waxa aan kaa codsanayaa in aadan wax ka bedelin xogta halkan ku jirta oo aan waqti badan ku bixiyay.Waxii dhaliil ama dhiira galin ah halkan ayaad ii dhigi kartaa adiga oo dhawraya shuruucda iyo xeerarka gaarka ah ee udegsan bartan aynu kuwada xidhiidhayno.

--Cabdirisaaq Macalin Cilmi (talk) 13:36, 4 Oktoobar 2017 (UTC)

Waxa aan ahay nin dhalinyaro ah oo ku dhashay kuna soo bar-baaray degmada feer-feer ee kutaala xadka kala qeybiya labada wadan ee Soomaaliya iyo Itoobiya.Waxbarashadiaydii dugsiga hoose/dhexe iyo sareba isla degmadaas ayaan ku qaatay.Waxa aan cilmiga barenimda kaga qalin jabiyay kuliyada waxbarashada macalimiinta ee Dr Cabdimajiid Xuseen ee ku taala magaalada jig-jiga ee Xarunta Dawladaa Deegaanka Soomaalida Itoobiya sanadkii 2003dii.Kadibna Waxa aan barenimo muddo 8sanno ah kaga soo shaqeeyay deegaano badan oo katirsan dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya.Intaa kadib waxa aan fursad uhelay in aan waxbarasho heer jaamacadeed ah ka helo jaamacada Haramaya University ee bariga Itoobiya,halkaas oo aan cilmiga maamulka iyo maareynta waxbarashada kaga soo qalin jabiyay sanadkii 2007dii. Waxa aan lasoo shaqeeyay Qeybta Imtixaanaadka ee Xafiiska waxbarashada heer deegaan iyo kan heer federaalba.Waxaa kale oo aan laoo shaqeeyay Hay'ado waxbarasho oo gaar loo leeyahay sida Barkhadle Academy iyo Cumar bin khadhaab oo ku yaala magaalada jig-jiga ee Caasimada u ah DDSI.waxa aan socdaal ku tagay wadamo iyo magaalooyin badan oo dunida ah oo ay kamid yihiin:-Imaaraadka Carabta,Kenya,Itoobiya,Soomaaliya,Muzambique,koonfur afrika.Socdaaladaas oo aan waayo aragnimo aqoon aad u mug weyn kasoo faa'iiday.Waxa aan ku hadli karaa Afafka kala ah:-Af-ingiriisi,Af-Carabi,Af-Amxaari iyo Af-soomaali.

Dhanka Cilmiga diiniga ah waxa aan wax ka akhristay mashaa'ikh fara badan oo uu ugu mug weyn yahay Sheekh Xaaji Khaliif(AUN).Waxaa Barashada Qur'aanka iigu Macalin ahaay Macalin Xuseen Macalin Ibraahin Oo loo yaqaano baxar.Aabahay oo ahaay macalin Qur'aan iyo Hooyadeey Saxan Sheekh Cusmaan labadooduba Alle(swt) naxariistiisa ha uwaasiciyee waxa ay ku dadaali jireen siddii aan waxbarashada meel fiican uga gaadhi lahaay waana ay ku guulaysteen dadaalkaasi dheeraa ee ay sameeyeen.Alle(swt)waxa aan uweydiinayaa danbi dhaaf iyo darajo dheeraad ah. Haatan waxa aan ahay ganacsade ku dhaqan dalka Koonfur Afrika.Waxa aan xiiseeyaa qoraalka iyo akhrinta.Waxa aan mar walba jecel ahay in aan akhriyo qoraalada qiimaha kale ee adduun iyo aakhiraba i anfacaya. Waxa aan ahay qoraa iyo falanqeeye arimaha siyaasada geeska afrika ah.Waxa aan si gaar ah wax ugu qoraa bogga aan kuleeyahay Internetka ee http://cabdirisaaqcilmi.blogspot.co.za/ iyo sidoo kale Akoonkayga gaarka ah ee baraha bulshada sida facebook-ga https://www.facebook.com/Cabdulrazaaq.Barta Wikipedia-ga ayaan sidaa oo kale si joogto wax ugusoo kordhiyaa ama qoraaladiisa ka qeyb qaataa.Nigaxan ayaad ka eegi kartaa ka qeybgalkeyga iyo Qoraaladeydaba. Waxa aad iga lasoo xidhiidhi kartaa E-mailka ah:-Abdurazakelmi@gmail.com.

Jawaab ku saabsan codsigaaga

ASC Cabdirisaaq, Walaal aad ayaad ugu mahadsan tahay tallada iyo waxsheega aad ii soo dirtey. Inbadan oo dadka aan halkan ku arkey waxaa ku mashquulsan yihiin sidii ay wax uga qori lahaayeen qabiil, afxumo iyo amaanida naftooda oo kali ah. Waxaan ku faraxsanahay inaad adigu tahay qof raba wanaaga iyo horumarka afkeena hooyo, sidaas darteed aniga ayaa kaa caawinaya habka farsamada iyo sida wax loo qoro. Sidoo kale hadii aad aragto bog lagu cayaaray ama la masaxay, qof wax kharibaya, iyo dhamaan wixii aad khalad u aragto fadlan ila soo socodsii aniga. Dhinaca kale, waxaa jira bogag badan ood adigu qortay (tusaale ahaan Reer Aw Xassan, Degmada Feer-feer) kuwaasi oon habaysneyn ama khaladaad badan ku jiraan. Markaa waxaan jeclaan lahaa inaan kaa caawiyo sidii aad u baran lahayd qaabka saxda ee wax loo qoro si aad kuwa hada iyo kuwo kale oo badan ugu soo darto bartan Soomaali Wikipedia. Waxaan kugula talinayaa inaad si fiican u akhrido Wikipedia:Waxbarid, Wikipedia:Qishka, Wikipedia:Xigasho, Wikipedia:Hordhac, waxaad qoraal barsho ah ku samayn kartaa Wikipedia:Bacaadka. Hadii aad Af-Ingiriiska ama Af-Carabiga taqaano waxaad wax ka soo turjumi kartaa Wikipedia Af-Ingiriis ama Wikipedia Af-Carabi. Ugu dambeyn, aad ayaan u soo dhawaynayaa su'aal, tallo, fikrad iyo dhamaan wixii aad i weeydiin karto. Mahadsanid, Ismail4all (talk) 06:56, 3 Oktoobar 2017 (UTC)Reply

Ismaaciil walaal waad ku mahadsantahay jawaabtaada qiimaha badan xumbaarsan.waxaa kale oo aan kaaga mahadcelinayaa deeqdaada ah inaad iga caawinaysid mar walba waxii baahi ah ee la xidhiidha siddii aan wax san oo saxsan u qori lahaay.Runtii dadku aqoonta kama sina oo waa lagu kala sareeyaa,allah(swt) waxa uu qur'aankiisu ku yidhi" نَرْفَعُ دَرَجَاتٍ مَّن نَّشَاءُ ۗ وَفَوْقَ كُلِّ ذِي عِلْمٍ عَلِيمٌ (76) ."Sidaasi daraadeed,Waxii qaladaad ah ee aan sameeyay adiga ayaa uxaq leh inaad saxdid. Kolay anigu marnaba kuma talo jiro inaan si ulakac ah wax u ceyn wareejiyo.--Cabdirisaaq Macalin Cilmi (talk) 07:38, 3 Oktoobar 2017 (UTC) Reply

Sxb Cabdirisaaq Macalin Cilmi adiga ayaa mudan, anigu aad ayaan u jecelahay horumarinta Af-Soomaaliga sidaas darteed ayaan halkan wakhti badan ugu huray; waxaanan rajaynayaa inaad halkan wax badan ka faa'iidi doonto isla markaana dadka kale uga faa'iideyn doonto. Sidaas darteed waxaan rabaa inaan ku tuso dhowr sheey oo laga yaabo ineey ku anfacaan. Waxaad furtaa Bogaaga Bacaadka. Mida kale uma baahnid inaad qoraalka soo dhexgaliso qoraalkan <table bgcolor="Pink"> <tr> <td> <font color="Blue">
Meesha dhan ayuu qoraalkaasi kharibayaa!

Mahadsanid, Ismail4all (talk) 07:58, 3 Oktoobar 2017 (UTC)Reply

Asc walaal.Salaan kadib waxa aan kaa codsanayaa in aad dib u eegis kusameysid qoraalkaAbaaley Oo aan anigu wax badan oo kamid ahi diyaariyay balse qof wata magacaSomalization oo si qalad ah xogtii u ceyn wareejiyay kadibna waan saxay ee bal arinkaa iga caawi oo boggaa xafid Vandalization baa kusocdee.Mahadsanid. Cabdirisaaq Macalin Cilmi (wadahadal) 17:20, 26 Luuliyo 2020 (UTC)

ku saabsan maqaalka feerfeer wax ka badal

waxaa ku daray (Info settlement), Module ka juquraafiga itoobiya neh waa ku soo daray Maax (wadahadal) 20:06, 1 Agoosto 2020 (UTC)Reply

Maax Kumahadsanid Walaal horumarintaada.