"Xaraf" waa Af-Carabi (حرف); waxaa Af-Soomaali sax ah "Erey". Ismail4all (talk) 02:37, 14 Maarso 2017 (UTC)

Maya, Ismail4all sax ma aha walaal Erey waa waa wixii macna sammeeynaya, xaraf kaligiis macna ma sameeyo. Tusaale ahaan haddii lagu yiraado Magaca aad adeegsato ee Ismail4all waa imisa xaraf? Waxaa la oranayaa waa hal lambar iyo sagaal xaraf (shan shibbane iyo afar shaqal).

Marka walaal waad ku mahdsantahay in aad ii sheegto laakiin sida saxda ah waa sidii aan qray, haddii aad dood ka qabto waad soo jawaabi kartaa.

Midda kale waxaa jira waxyaabo badan oo ku jira So.wiki oo magaca ka qaldan sida qaar aad adiga samaysay tusaale ahaa Bahda Qoraxdu Midaysay magaca cilmiga ah ee ereybixinta rasmiga waxaa weeye Baho cadceedeed. --Abshirdheere 20:54, 15 Maarso 2017 (UTC)

Salaan qaali ah Abshirdheere, sidaad la socoto Af-Soomaaligu wuu ereyo iyo macno badan yahay, waxaana jira kalmado badan oo laga soo amaahdey luuqado kale. Waxaa jira ereyo si gaar ah looga yaqaano deegaan laakiin macno kale ku leh deegaan kale.. Aniga Af-Soomaaliga aan aqaano wuxuu ku saleysan yahay Gobolada Waqooyi waxaan inta ugu badan isku dayaa inaan qoro wax dhexdhexaad ah oo lawada fahmi karo, sidaas ay tahay waxaa hubaal ah in khalad laga helayo. Inaad i saxdo ama ii sheegto khaladkeyga xaq ayaad u leedahay walaal.
Dhinaca kale, baadhitaan aan sameeyay waxaan ku ogaaday in Xaraf sax ku tahay sida aad u macneysa; laakiin Bahda Qoraxdu Midaysay waxaan ka soo xigtay buug Juquraafi ka tirsan Manhajka Waxbarashada Dugsiyada Dhexe Somaliland. Buugaas online waan ku waayay laakiin wuxuu isticmaalaa Bahda Qoraxdu Midaysay (Af-Ingiriis: Solar System). Sidaas ay tahay waxaa laga yaabaa in deegaano kale looga yaqaano Baho Cadceedeed. Marka waxaan samayn karnaa in bogaga noocaas ah aan ku qorno dhamaan magacyada kala duwan ee loo yaqaano. Anigu wixii aan fahmi waayo ama shiki iga galo waan kula soo socodsiin mar kasta. Mahadsanid, Ismail4all (talk) 00:00, 19 Maarso 2017 (UTC)
Return to "Xaraf" page.