Shacbaan
Shacbaan (Af Carabi : ar) waa bisha sideedaad ee Kalandarka Hijriga.[1] Habeenka toban iyo shanaad ee bishan waxaa loo yaqaana "Habeenka Xirka" (Laylat al-Bara'at).[2][3]
Bishani waxay ku dhamaataa 30 maalmood.
Hordhac
wax ka badalBisha Shacbaan waa bisha sideedaad ee maalintiriska Hijriga ah.
Wakhtiga
wax ka badalSida caadiga ah, bilaha sanadka Hijriga ah waxay la bilaabmaan dhalashada (soo bixitaanka) dayaxa, waxayna inta ugu badan 11 ilaa 13 maalmood ka gaaban yihiin Kalandarka Miilaadiga ee la shaqeeya qoraxda.
Hoos waxaad ku arkaysaa waa qiyaasta wakhtiga ay bilaamayso iyo dhamaanayso bishani (qiyaastani waxaa laga soo xigtay Maalintiriska Umm Al-Qura ee Sacuudi Carabiya[4]):
Miilaadi | Hijri | Biloow | Dhamaad |
---|---|---|---|
2014 | 1435 | 30 May | 28 June |
2015 | 1436 | 19 May | 17 June |
2016 | 1437 | 8 May | 5 June |
2017 | 1438 | 27 April | 26 May |
2018 | 1439 | 17 April | 15 May |
2019 | 1440 | 6 April | 5 May |
2020 | 1441 | 27 March | 25 April |
2021 | 1442 | 16 March | 17 April |
2022 | 1443 | 6 March | 4 April |
2023 | 1444 | 25 February | 26 March |
2024 | 1445 | 15 February | 13 March |
Wakhtiyada bilaabmeyso bisha Shacbaan ee sanadaha 2010 ilaa 2024 |
Kalandarka Hijriga
wax ka badalKalandarka Islaamka waa maalintiriska (Kalandarka) bulshada Islaamka kaasi oo loo yaqaano Hijri. Si la mid ah kaalandarka Miilaadiga ah, sanadka Hijriga ah waa labo iyo toban bilood kuwaasi oo leh 354 ama 355 maalmood (cisho).
Kalandarka Hijriga ah waxaa laga isticmaalaa wadamo badan oo Islaam ah, waxaana dadka Muslimka ah ku xisaabshaan isla markaana kala socdaan bilaabida bisha barakaysan ee Ramadaan, soo gudashada waajibaadka Xajka, iyo Ciidaha.
Bilaha Hijriga
wax ka badalAfar ka mid ah bilaha Hijriga waxaa loo yaqaana kuwo barakaysan, sababtoo ah waa billo aad muhiim ugu ah taariikhda Islaamka. Afartaasi bilood waa: Rajab (bisha 7aad), iyo sadex bilood oo ku xiga Dū al-Qa‘dah (bisha 11aad), Dul al-Ḥijjah (bisha 12aad) iyo Muxarram (bisha 1aad).[5]
Sidoo Kale Fiiri
wax ka badalTixraac
wax ka badal- ↑ Kuwa kale waa Dhu al-Qi'dah, Dhu al-Hijjah iyo Rajab, The Islamic Calendar Archived Jannaayo 7, 2017 // Wayback Machine
- ↑ G.E. von Grunebaum, Muhammadan Festivals (London: Curzon Press, 1976), pp. 53-54.
- ↑ http://islamqa.info/en/154850. Maqan ama ebar
|title=
(caawin) - ↑ Umm Al-Qura calendar of Saudi Arabia
- ↑ "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 2014-08-28. Soo qaatay 2016-06-19. Barameter aan la aqoon
|ciwaan=
ignored (caawin)