Saldanada Geledi
Saldanada Galadi (Af Carabi : ar; Af Ingiriis : Geledi Sultanate) waa boqotooyo Soomaaliyeed oo Talin jirtay geeska afrika Dabayaqadii Qarnigii !7aad ilaa iyo bilowgii Qarnigii 19aad. Waxaana xukunka heystay goobroon. Saldanada Geledi waxaa aasaasay Suldaan Ibraahim Adeer kadib markuu ka guuleystay dowladii ajuuraan, waxuuna dhisay qasrigii goobroon. Saldanadu waxey gaartay heerki ugu sareysay xilliyadii Suldaan Yuusuf Maxmuud markuu kaguuleystay jameecadii baardheere, iyo xiligii Suldaan Axmed Yuusuf,
Saldanadda Geledi Geledi Sultanate سلطنة غلدي | |||||||
---|---|---|---|---|---|---|---|
Qarnigii 17aad–Qarnigii 19aad | |||||||
Xarunta | Afgooye | ||||||
Luuqada | Soomaali · Carabi | ||||||
Diinta | Islaam | ||||||
Dowladda | Boqortooyo | ||||||
Suldaan Boqor Imaam Shaykh | Hogaamiye | ||||||
• Qarnigii 17aad –bartamihii Qarnigii 18 | Ibraahim Adeer | ||||||
• 1878 – Qarnigii 19aad | Cusmaan Axmed | ||||||
Taariikh | |||||||
• Aasaasay | Qarnigii 17aad | ||||||
• Burburtey | Qarnigii 19aad | ||||||
|
Taariikhda
Bartamihii qarnigii 19aad Saldanadda Geledi waxey gaartay heerki ugu sareysay kadib markey hantiyeen ganacsigii iyo siyaasaddii dhulka Banaadir iyo inta u dhexeysay labada wabi juba iyo shabeele waxaana u suura gashay in ay canshuur ka qaadaan Safarada, iyagoo ka faa’ideysanaya jidadka geediga safarrada ay maraan kuwaas oo xiriirinayey magaalooyinka xeebaha ku yaal iyo miyiga fog oo dhamaantood ku kulmi jiray magaalada Afgooye.
Boqorada soo xukuntay
# | Suldaanka | mudada xilka | faahfaahin |
---|---|---|---|
1 | Suldaan | dabayaaqadii qarnigii 17-aad-bartamihii qarnigii 18-aad | Waxa uu asaasay Saldanada Geledi ka dib markii uu ka adkaaday Saldanadii Ajuuran . Waana suldaankii ugu horeeyey ee cida Gobroon.[1] |
2 | Suldaan | Bartamaha qarniga 18aad-1828[2] | Awoodii Goobroon oo la isku daray, waxay Murusade ku biirisay xulafo, waxayna soo afjartay khatartii Silcis.[3] |
3 | Suldaan | 1828–1848[2] | Xeerku wuxuu astaan u ahaa bilawgii waagii dahabiga ahaa ee Geledi. Wuxuu burburiyay Jamaacada Baardheere wuxuuna kacday dhaqaalihii Geledi. Canshuur laga soo ururiyay Saciid bin Suldaan oo xukumayay Boqortooyadii Cumaan [4] |
4 | Suldaan | 1848–1878[2] | Wuxuu xeebaha Banaadir ka difaacay duulaankii, wuxuuna dib u yagleelay awooddii Gobroon kadib markii aabihii laga adkaaday 1848dii[5] |
5 | Suldaan | 1878-1910[2] | Carshiga laga dhaxlo aabaha. Boqortooyadu waxay calaamadisay gabagabada Saldanada Geledi. Si badheedh ah ayuu Xabashida uga adkaaday dagaalkii Luuq iyo Daraawiishtii dagaalkii Xudur . |
Sidoo kale Fiiri
Tixraac
- ↑ Njoku, Raphael. Greenwood. ISBN 9780313378577 https://books.google.com/books?id=FlL2vE_qRQ8C&q=ancient+somali+civilization. Maqan ama ebar
|title=
(caawin) - ↑ 2.0 2.1 2.2 2.3 Mukhtar, Mohamed Haji (25 February 2003). p. 26. ISBN 9780810866041 https://books.google.com/books?id=DPwOsOcNy5YC. Soo qaatay 2014-02-15. Maqan ama ebar
|title=
(caawin) - ↑ Cite error: Invalid
<ref>
tag; no text was provided for refs namedVirginia Luling pg. 179
- ↑ Cite error: Invalid
<ref>
tag; no text was provided for refs namedShillington 2005 990
- ↑ United Kingdom House of Commons. Irish University Press. p. 475. Maqan ama ebar
|title=
(caawin)