Antarktika
Baaxada14,000,000 km2 (5,400,000 sq mi)
DadkaMa lahan dad joogto u degan
WadankaDowlad u gaar ah ma lahan

Antarktika (Af Ingiriis : Antarctica; Af Carabi : ar‎; loogu dhawaaqo: Listeni/ˈɑrktɪkə/ iyo /ˈɑrtɪkə/) waa qaarada ugu xigta koonfurta Aduunka, taasi oo juquraafi ahaan noqoneysa Cidhifka Koonfureed ee dhulka. Qaarada Antarktika waxay ka mid tahay gobolka Antarktik ee waaxda koonfureed ee dhulka, taasi oo qeyb ka yihiin Iskuwareega Antarktik iyo Bada Koonfureed. Baaxada dhulka Antarktika waa mid aad u balaadhan, waxaana lagu qiyaasay 14.0 milyan kilomitir labo jibaaran (5.4 milyan mayl labo jibaaran), taasi oo ka dhigeysa qaarada shanaad ee ugu weyn aduunka - waxaa ka weyn Afrika, Aasiya, Waqooyiga Ameerika iyo Koonfur Ameerika.

Hadii Antarktika la barbardhigo qaarada Ustareliya weey ku labo laabmaysaa, taasi micnaheedu waa in Ustareliya le'egtahay kala badh Antarktika. Sida la ogyahay ilaa 98% qaarada Antarktika waxaa qariyahay baraf kaasi oo leh dhumuc dhan 1.9 kilomitir (1.2 mayl), kuna fidsan dhamaan deegaanada qaarada marka laga reebo qeybta waqooyi oo kali ah. Isku celcelis, qaarada Antarktika waa tan ugu qaboow, qalalsan, ee ugu dabaysha badan qaaradaha caalamka oo dhan. Sidoo kale waxay leedahay deegaano badan oo ugu dhaadheer jooga dhulka. Juquraafi ahaan marka laga hadlayo deegaanada Antarktika waxaa lagu tiriyaa lamadegaan (saxare), sababtoo ah waxaa ka da'a roob aad u yar oo mararka qaar ka yar 200 mm (8 in) kaasi oo ku da'a deegaanada xeebaha oo kali ah. Sidoo kale waxaa xusid mudan heerkulka Antarktika, wuxuu inta badan yahay −89 °C (−129 °F), in kastoo marka la iskucelceliyo guud ahaan noqonayso −63 °C (−81 °F).