Xasan Cali Khayre

Raiisul wazaarihii hore ee soomaliya
(Waxaa laga soo toosiyay Hassan Khayre)

Xasan Cali Khayre dhashay 15 Abriil 1968, oo loo yaqaan Xasan Khayre[1] waa siyaasi Soomaali, ahna Raiisul Wasaarahii hore Soomaaliya . Waxaa loo magacaabay 23 Febraayo 2017,waxaana uu xilka ka dagay 25 July 2020 waxaa u magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed[2], waxaana ansixiyay xubnaha baarlamaankana badankooda 1-da maarso 2017.[3], Waxaa u codeysay 231 xildhibaan oo ah dhammaan mudanayaasha fadhiga baarlamaanka[4]

Mudane

Xasan Cali Khayre
Hassan Ali.png
Raiisul wasaaraha Soomaaliya
Xafiiska
1 Maarso 2017 – 25 Luuliyo 2020
Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Maxamed
ka horeeyay Cumar Cabdirashiid Cali
Sharmaarke
Faahfaahin shaqsiyadeed
Dhashay
Xasan Cali Khayre

1968
Ceelbuur, Galguduud, Jamhuuriyadda Soomaaliya
Xisbiga ka madax banaan
Alma mater Jaamacada Oslo
Heriot-Watt University

Bishii July 2020 ayay 170 xildhibaan oo ka tirsan golaha shacabka kala noqdeen kalsoonidii, waxaana diiday 8 xildhibaan kaliya.

Khaire wuxuu horey u ahaan jiray madaxa fulinta batroolka. Wuxuu ahaa agaasime gobol oo ka tirsan hay'adda samafalka ee Norwegian Refugee Council wuxuuna agaasime ka ahaa qeybta afrika shirkadda saliidda ee Ingiriiska Soma Oil and Gas.[5][6]

Taariikh nololeedkiisaEdit

Xasan Cali Khayre wuxuu ku dhashay bartamaha Soomaaliya magaalada ceelbuur ee gobolka Galgaduud sanadkii 1968,[7] Wuxuu waxbarashadiisa ilaa Dugsi Sare kaga baxay Cismaan Geeddi Raage ee magaalada Muqdisho sanadkii 1986dii.[8] , Intii u dhexeysay sannadihii 1994-1998 ayuu ka baxay Jaamacadda University of Oslo ee dalka Norway, isagoo ka diyaariyey darajada 1aad ee cilmiga siyaasadda iyo Sociology. Darajada 2aad ee Master-ka wuxuu ka qaatay MBA Jaamacadda Thoroughgoing ee waddanka Skotland sannadkii 2001[9]

Khaire waa nin heysta dhalashada Norway iyo Soomaaliya.[10] Intii u dhexeysay sanadadii 2002-2005, waxaa u ka shaqeynayay dhinca ganacsiga, sandkii 2006 waxa uu noqday Agaasimaha Xaafiisyadda Soomaaliya iyo Kenya iyo Agaasimaha Geeska Afrika [11]


TixraacEdit

  1. http://www.africanews.com/2018/08/14/eritrea-delegation-in-somalia-to-deepen-bilateral-relations/
  2. http://mareeg.com/somali-new-president-appoints-hassan-ali-khaire-as-prime-minister/
  3. http://goobjoog.com/english/parliament-unanimously-endorses-hassan-khaire-new-pm%7Ctitle=Parliament unanimously endorses Hassan Khaire as new PM|publisher=Goobjoog News|date=1 March 2017
  4. https://www.bbc.com/somali/war-39125689
  5. http://www.aftenposten.no/verden/Nordmann-ny-statsminister-i-Somalia-615810b.html%7Ctitle=Nordmann ny statsminister i Somalia|newspaper date=2017-02-23|language=Norwegian}}
  6. http://abcnews.go.com/International/wireStory/somalias-president-appoints-prime-minister-45680284%7Ctitle=Somalia's new president appoints prime minister|agency=Associated Press|first=Abdi |last=Guled |publisher=ABC News|access-date=2017-02-23
  7. https://www.togaherer.com/2017/02/23/taariikh-nololeedka-raiisul-wasaare-xasan-cali-khayre/
  8. http://somalitalk.com/2017/02/24/taariikh-nololeedka-raiisul-wasaaraha-la-magacaabay/
  9. https://www.araweelonews.com/warar/waa-kuma-taariikhda-raiisal-wasaare-cusub-ee-soomaaliya-xasan-cali-khayre-iyo-fadeexadaha-lala-xidhiidhiyay/
  10. http://www.vg.no/nyheter/utenriks/afrika/norske-hassan-ny-statsminister-i-somalia/a/23932541/%7Ctitle=Norske Hassan ny statsminister i Somalia|newspaper=Verdens Gang|access-date=2017-02-24|language=Norwegian
  11. https://warsom.com/wararka/2017/02/wax-ka-baro-taariikhda-xasan-cali-kheyre-oo-loo-magacaabey-rw-soomaaliya/