Heesta Hal Qudha waa mid ka mid heesaha qaraamiga heerka dhexe ee suugaanta Soomaaliyeed midaasi oo si talan-taali ah u wada qaadaan fanaaniinta kala ah Hibo Maxamed Hudoon (Hibo Nuura) iyo C.Qadir Macalin Jubba.

File:Hibo Nuura.jpg
Fanaanada Hiba Maxamed Hodoon.
File:Jubba11.jpg
Fanaanka C.Qaadir Juba.

Heestu waxay soo baxdey sanadkii 1987.

Tixda Heesta wax ka badal

Ereyada heesta waxay u qoran yihiin sidan:

Jubba:

Waa Sheeko Hodan ah ee Aan ka jaro hingaadee Hallow Hallow

Hibo:

Nafbaa ku heeybineeysoo Kuu Hamuun qabtee Hallow Hallow

Jubba:

Sida heego Rooboo Hilimadeeda haliimiyo Inta uu nugaal helay Haradii biyeeyo Mudo badan ku hooray 2x

Dhirtuu ka haqab beeshoo Ubaxii ka hagac yidhi Oo loo wada han weeyn yahay 2x

Markaan helo warkaageey Naftu hii kacdaayoo Farxad ku hambalyeeyaa 2x

Hood iyo aayaan iyo Calaf ha isku keen simo 2x

Hibo:

Raggu kala haboonee Halyeeyada wakhtiga kacay Kii ugu horeeyee Naftu ku hiiraneeysoow 2x

Sida hanad aan dhalay baan Himiladaada wacan iyo Horumarkaaga jecelahay 2x

Oo aan hurgumadiyo Aaan halista kaaga dhoowraa 2x

Markaan hello warkaagay Naftu hii kacdaayoo Farxad ku hambeelyaa 2x

Halqudheynu nahayoo Kaama hadhi karaayee Hood iyo ayaan iyo Calaf ha isku keen simo 2x

Faalo wax ka badal

Heesta Halqudha oo cod dhagaysi ah waxaad ka heli kartaa Halkan

Qoraalo Kale wax ka badal