Foloriin

(Waxaa laga soo toosiyay Fluorine)

Foloriin

Dareere Curiyaha Foloriin

Foloriin (ingiriis: Fluorine) astaanta (F) waa curiye kimiko oo tirada atomkiisu tahay sagaal (9). Curiyaha Foloriin waa neef ka tirsan neefaha halogenska ee guruubka 17aad ee Diwaanka Curiye.

Heerkulka caadiga ah, curiyaha foloriin waa neef huruud ah taas oo u dhisan malakuyuul labo-atom ah F2. Sidoo kale, foloriintu waa curiyaha ugu miisaanka fudud dhamaan curiyayaasha halogenska; isla markaana waa tan 24aad ee ugu badan Koonka iyo tan 13aad ee ugu badan sameyska qolofka dhulka.

Foloriinta waxaa la helay sanadkii 1529, maantana isku dhisyada ay ku jirto waxa lagu iibiyaa lacag ka badan US$15 bilyan sanadkii.