Ciid al-Fitr
Ciid al-Fitr (Af Carabi : ar ʻĪd al-Fiṭr, IPA: [ʕiːd al fitˤr], "dabaaldega dhamaadka soonka"), [1] waa maalin diini ah oo aad muhiim ugu ah dadka Muslimka ah meel kasta ooy joogaan. Waa maalinta loo dabaaldego dhamaystirka bisha barakeysan ee cibaadada iyo soonka ee Ramadaan.
عيد الفطر Ciid al-Fitr (ʻĪd al-Fiṭr) Dabaaldega dhamaystirka Soonka bisha Ramadaan | |
---|---|
Magaca saxda | Af Carabi : ar ‘Īd al-Fiṭr |
Dadka | Islaam |
Nooca | Dabaaldeg Islaam |
Sababta | Dhamaadka soonka Ramadan |
Loo dabaaldego | Siyaarasho qoyska iyo qaraabada, noocyo badan oo cunto ah, is carfin, xidhashada dhar cusub, hadiyada ciida, iyo damaashaad |
Wayabaha la sameeyo | Zakat al-Fitr Sako, Salaada Ciida |
Taariikhda | 1 Shawwal |
La xidhiidha | Ramadaan, Ciid al-Adxa |
Hordhac
Ciid al Fitri, sidoo kale loo yaqaano "Ciida Soon" ama "Ciida Ramadaan" waa maalinta koowaad ee Shawwal (bisha 10aad ee Kalandarka Islaamka). Maalintani waxaa dadka Islaamka ah u debaaldegaan dhamaystirka 30 maalmood ee Ramadaan; waana maalin damaashaad, cunto, farxad iyo raynrayn lagu yaqaano. Maalinta Ciida ah lama ogola in qof Soomo, xataa hadii lagu lahaa maalmo.
Salaada
Si la mid ah Ciida Al-adxa, Ciid al-Fitri waxaa dadka Muslimka ahi tukadaan Salaada Ciida, taasi oo ka kooban labo rakcadood. Sida badan, salaada ciida waxaa lagu tukadaa barxad weyn, taasi oo kulmisa tiro aad u badan oo Muslimiin ah, kuwaasi oo hal mar wada tukada. Sidoo kale, salaada ciida waxaa ku jira "takbiir" (Alle weyneyn) taasi oo si dhawaq dheer ah loo qaado. Salaada Ciida marka ay dhamaato waxaa culimadu akhriyaar xooga khudbad ah, taasi oo dadka xasuusinaysa wanaaga iyo camal falka diinta.[2]
Sidoo Kale Fiiri
Tixraac
- ↑ Elias, Jamal J. Routledge. p. 75. ISBN 0415211654. Maqan ama ebar
|title=
(caawin) - ↑ Inter-islam.org http://www.inter-islam.org/Actions/eidshawwal.htm. Maqan ama ebar
|title=
(caawin)