Bardhere waa magaalo ku taalo koofurta somalia waxayna ka tirsantahay Gobolka Jubada Sare ama loo yaqaan Gedo.

Bardhere
Magaalo
Bardhere is located in Earth
Bardhere
Meesha ka dhacdo Soomaaliya
Wadan Somalia
GobolJubada Sare /Gedo
Dowlada
 • Duqa MagaaladaMohamed Wali Qorax


Webiga Jubba, Bardhere
Muuqaalka sare Bardhere

Bardhere waa magaalada labaad ee ugu weyn Jubaland kaliya waxa ka weyn kismaayo, Bardhere waa magaalo kuiirsan waxsoosarka Beeraha kuwaas ay ganacsatada magaladaas u iibgeyan Muqdisho iyo dhamaan gobolada ku hareersan sida Koonfur galbeed.

Horudhac wax ka badal

 
Buundada Bardhere dusha wabiga Jubba

Magaalada Bardhere waa magaalo aad u weyn waxay oo ku taal koonfurta gobolka Jubada Sare ama loo yaqaan Gedo.

Magaalada Bardhere waxay ka mid tahay magaalooyinkii Soomaaliya ugu horreeyey uguna facaweyn oo laga aasaasey meel ka fog xeebta koonfureed ee dalka Soomaaliya. Bardhere waxay u jirtaa xeebta Baraawe masaafo qiyaastii dhan 250 km. Juqraafi ahaan, Bardhere waxa u dhow Dhulbara oo u qeybiyo dunida waqooyi iyo koonfur). Cimiladeeda Bardhere waa mid diiramad ah, taas oo u sahlineysa in sanadka oo idil beeraha laga faa'ideysankaro marka la istimaalayo waraabka beeraha.

Waxa magaalada Bardhere laga dhisi rabay biyo xireen loo yaqaan Markabley, oo gabo-gabo ku sugnaa kahor inta aysan burburin dowldii dhaxe mashruucii biyo xireenka markabley kasoo ahaa mid dowladii dhexe ay rabtay in karoonto laga dhaliyo kadibna looga qeybiyo dhamaan gobolada dalka iyo wadamada dariska Kenya iyo Ethiopia.

Taariikhda Bardhere wax ka badal

Bardhere Magaalada Bardhere waxay ka mid tahay magaaloyinkii Soomaaliya ugu horeeyey uguna faca weyn oo laga aasaasey meel ka fog xeebta koonfureed ee dalka Soomaaliya.

xiliyadii hore waxaa ka talin jiray Bardhere boqoetooyadii Ajuuran taaso inta badan ka talin jirtay gayiga Somalida,

Magaalada Bardhere ma sugna waqtigii deegaan rasmi ah noqotey walow ay ku jirto magaalooyinka Soomaaliyeed kuwooda ugu fac weyn. Bardhere waxay aheyd magaalo soo jiidasho leh Soomaaliya oo dhan ayaa looga imaan jiray iyada oo cilmu dalab iyo macalimiin naxwaha yaqaan ah ay u soo shaqo tegi jireen ilaa inta taariikhda lagu hayo. Taariikhyahan Cali Dhuux Maxamuud wuxuu cadeeyay, "in magaalooyinka koonfurta Soomaaliya kuwa ugu faca wayn ay ku jirto magaalada Bardhere." [1]. Aas aaskii Bardhere, markii hore beerofalato iyo dhalinyaro dugsiyo makacdo ah u soo diin barasho raadsaday aya degay Bardhere.

Bardhere waxay ku jirtey magaalooyinkii istaraajiiga ahaa ee uu gumeystaha Ingriiska iyo talayaaniga saldhigyada ka dhigtey. Qarnigii 19aad ilaa bartimihii qarnigii 20aad ee tagey ayuu gumeystaha marba si u degenaa magaalada Bardhere. Waxaa taariikhda ku cad in taariikhda Miilaadiyada 1890 ilaa 1960kii ay waddamo badan oo Afrikaan ah ay gumeysi gacantii ku jireen iyadoo qoraalo badan oo xusayo dhacdooyin taariikh leh ay ka dhaceen Bardhere.

Wax soosaarka Bardhere wax ka badal

Bardhere oo caan ku ah soo saarka khayraadka beeraha ayaa waxaa qiyaastii ku yaal ilaa 4000 oo ah beeraha waaweyn oo ay iskaashatooyin iyo shaqsiyaad hodan ah leeyihiin iyo ilaa 2,000 oo ah nooca yar yar ee bulshada tabcato.

Xiligii Dawladdaha beeralayda Bardhere waxaa taageero badan siin jirey wasaarada Beeraha Soomaaliya. Agab, keyd abuur iyo adeegyo badan ayay Dawladda ku taakuleyn jirtey beeraladay Jubaland iyo dhamaan gobolada leh dhul beeraadka. Suuqgeynta saraca soo baxa waxaa qaabilsanaa wakaalado iyo waaxyo hoos yimaada Wasaarada Beeraha iyo Xanaaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa.

Xaafadaha Bardhere wax ka badal

Bardhere waxay ka kooban tahay ilaa 30 Xaafadood waxaana xaafadaha ugu waa weeyn oo ugu caansan waxaa kamid ab

1) Kaskey.

2) Bulakulow

3) Kurmaan

4) Bulagaras

5) Xaawakadow

6) Bulshi

7) Masawa

8) Helobaned

9) Sarinley

10) Dulcad

11) Qalaaliyow

12) Shiirkole

13) Gaalshire

14) Horseed

15) Shiirkole

Iyo kuwa kaloo badan


Waxbarashada Bardhere wax ka badal

Bardhere oo ah magaalo caan ku ah Waxbarshada guud dhulka soomaalida, inkasto burburkii dowladii dhexe ee soomaaliya ay saameyn ku yeelatay kaabashi Waxbarasho ee Bardhere laheyd sida Jaamacada lafoole oo burburtay. lakin sanadadii ugu danbeysay ayey dib ugu soo laabaty Bardhere waxbarashdi caanka ku aheyd oo waxa dib loo aasaasy kaabayal waxbarasho Sida, Kuliyada Farsamada Bardhere, Machadka barshada Xanaanada Xoolaha, Machadka Beeraha. jaamacada Gedo.

Bardhere waxaa ku yaalo in kabadan 20 iskuul dugsi sare iyo in kabadan 30 school dugsi dhexe, mid kamid iskuulada Bardhere ayaa waxy kaalinta koobaad ka galaan sanad walbo dugsiyada Hoose guud ahaan Jubaland halka iskuulada Sare ay kaalimaha ugu sareeyo ka galeen guud ahaan iskuulada soomaaliya.

Cimilada Bardhere wax ka badal

Faahfaahin Cimilada Bardhere
Bilaha Jan Feb Mar Apr May Jun Jul Aug Sep Oct Nov Dec Sanad
Kuleel aan darnayn °C (°F) 30
(86)
31
(87)
32
(89)
32
(89)
30
(86)
29
(84)
28
(83)
28
(83)
29
(84)
30
(86)
31
(88)
31
(87)
30.0
(86.0)
Hoos udhaca kuleelka °C (°F) 24
(76)
24
(76)
24
(76)
25
(77)
25
(77)
24
(75)
23
(74)
23
(73)
23
(73)
24
(76)
25
(77)
24
(76)
24.2
(75.5)
Roobka mm (Faro) 3
(0.1)
5
(0.2)
15
(0.6)
20
(0.8)
74
(2.9)
74
(2.9)
36
(1.4)
23
(0.9)
3
(0.1)
33
(1.3)
8
(0.3)
3
(0.1)
295
(11.6)
Source: Weatherbase [2]

Bulshada Bardhere wax ka badal

Bardhere waa mid kamid ah magaalooyinka ugu dadka badan somaliya Dadka ku nool tiro ahaan waa ku dhawaad 500,000 ilaa 700,000, dadka dagan Bardhere waxa loo yaqaana reer Bardhere.

Bardhere oo mudo aad u dheer deegaan rasmi ah ahayd, waxaa mar walba tirada dadka ay ku salaysanayd marxaladaha nolosha, dagaalo culculus ayaa dhowr jeer ka dhacay degmada Bardhere sidaasna barakac ku riday bulshada. Tusaale sanadadii 1941, 1942 Ingiriiska iyo Talyaaniga ayaa gacan ku haynta magaalada ku loolamay. Sanadkii 1930 Bardhere waxaa degenaa bulsho lagu qiyasay 8,000 oo qof.

Tan iyo bilowgii dagaalka sokeeya ee bilowday 1991, bulshada Bardhere 100,000 boqol kun oo qof ka badan ayaa mar walba ku noolayd, Tirakoobyada waxay u dhexaysiiyaan bulshada magaalada 106,000 ilaa 120,000 oo qof.

waxaa dagan Bardhere Qabiilka Marexaan gaar ahaan Jifooyinka Reer Ugas-Sharmake, Talxe, Ree Cismaan, Bahaguled. Bardhere waxay balaaratay kadib Burburkii Somaliya taasoo ay ku soo qaxeen dad kasoo qaxay Kismaayo, Gobolka Mudug, Gobolka Galguduud, iyo Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Dalxiiska Bardhere wax ka badal

Ciyaaraha wax ka badal

Bardhere da' yarteeda waxay aad u jecelyihiin ciyaarta kubada cagta. Webiga oo leh meelo uu ka saweeyo iyo dhowr goobood oo xaafadaha ku ag yaal oo kubadda lagu ciyaaro ayay idkugu yimaadaan dhalinyarada ciyaaraha kubbada Cagta.

Cayaaraha abaabulan waxaa ka mid ah kuwo ay ku loolamaan dhalinta qaar. Tartamada abaabulan waxaa ka mid ah dabaal Webiga Jubba iyo cayaaraha kubadda cagta oo aalaaba degmooyinka Garbaharey, Luuq iyo Beledxawo inta badan sanad walba is aragyo xiiso leh fooda is dara.

Tababarayaal aad caan u ah ayay leedahay magaalada Bardhere. Tababare Maamazuu iyo Ajuuke sidoo kale gudoomiyahii muddada dheer daadihinayay ciyaartoyda Bardhere .

Sanadki 2002 kooxda xulka Bardhere koob ayay ka qaadeen dhowr jeer oo isku timid magaalooyinka Kismaayo Beydhabo Baladxawo, Garbaharey Luuq . Koobkaas maanta wuxuu yaal xafiiska Xiriirka Kubadda Cagta ee Bardhere.

Maamulka iyo Nidaamka wax ka badal

Maamulka degmada iyo xafiiska duqa magaalada ayaa maamul u ahaa degmada Bardhere, Ilaa burburkii waxaa jirey nidaam talis oo ka koobnaa Gollaha odayaasha Degmada Bardhere oo hab doorasho ku dhaca. Nidaamkaas ayaa inta badan ahaa meel marxaladaha murugsan lagu xaliyo. Sanadkii 2008 ayaaa waxaa maamulka degmada la wareegay maamulka Al Shabaab. Balse Weli waxaa dhaqan ahaan ka jira Gollihii Odayaasha oo maamulka uu tixgeliyo.

Tixraac wax ka badal

Magaalooyinka Gobolka Gedo/ Jubada Sare  
Bardhere · Baledxawo · Burdhubo · Doolow · Garbaharey · Buraa · Ceelwaaq · Celcade · Luuq
  1. [https://www.facebook.com/Dasloor/videos/1687656728194950/
  2. . Weatherbase http://www.weatherbase.com/weather/weather.php3?s=604827&refer=wikipedia.  Maqan ama ebar |title= (caawin)Retrieved on 24 December, 2019.