Xamarjajab waa degmo ka mid degmooyinka gobolka Banaadir.

Xamar Jajab
حمر ججب
Lua error in Module:Location_map at line 414: No value was provided for longitude.
DalkaSoomaaliya
GobolBanaadir (BN)
DegmoXamar jajab (Muqdisho)
Area
67 km2 (26 sq mi)
Joogga
5 m (16 ft)
Tirada dadka
(2012)
 • Dhammaan47,012
 • Cufnaanta dadka700/km2 (1,800/sq mi)
Magac kaleRee Xamar jajab
Aag saacadeedUTC+3 (UTC)
 • Xagaa (DST)UTC+3 (UTC)
Thiinada Boostada
10016
Thiinada TelHertel 064, Telecom 021 Nationlink 043
CiidahaCiid weyn iyo ciid yar
Maalinta Ciidda10ka Carafo iyo 1da soon fur
WebsiteMareegta internetka

Waa mid ka mid ah degmooyinka ugu faca weyn gobolkan banaadir, waxaana la aas-aasay ka hor qarnigii 16aad ee miilaadiga, dadkii ugu horreeyey ee degay waa dadka banaadiriga oo qabaa'il kala gedisan kasoo kala jeeda, kuwaasoo ay ugu horreeyeen Shiikhaal gendershe.

Degmada waxaa ka talin jiray nin shiikh ahaa oo xukumi jiray kaasoo lagu magacaabi jiray Ow-muraad oo markiisa hore ka yimi tuulada Gendershe, xaafadda Xamar jajab waxaa la tilmaamaa gumeystihii ka hor in uu ku wareegsanaa derbi aad u dheer una adag, waxayna laheyd laba irid oo laga soo kala geli jiray, waxaa loo ogolaa in ay soo galaan dadka keeni jiray qoryaha, caanaha iyo hilibka.

Xaafaddu waxay soo martay Heerar kala gedisan, dhismaha hadda ay dhisan tahay, wadooyinka laamiyada ah, suuqyada iyo xarumaha waa weyn ee ku yaala waxaa dhisay duqii magaalada muqdisho ee ugu horreeyey jamaal maxamed oo jamaal jebiye ku magac dheeraa.

Xamar jajab Waxaa Ku yaalla Dekedda Muqdisho Waxaa Kuyaala Xabsiga Dhexe Waxey Qeyb Ka Leedahay Buundooyinka Waxaa Ku Yaalla Weli Oo Ay Qeyb Wey kaleedahay Ex-Isbitaal Martiini Waxaa Ku Yaalla Xamar Jajab taalada Caanka Ah Ee S.Y.L Waxaa Ku Taalla Xaruunta Dhoofinta Muuska Somali Fruit Waxaa Ku Yaalla Dugsigii Tababarka Booliska Soomaaliyeed Ee Gen.Kaahiye

Waxey ka Bilaabata Degmada Faca Weyn Ee Xamar Jajab

Wadada Ka Bilaabata Isbitaalka Martiini Albaabkiisa Illa Isgoyska ( T )da Ah Ee Taalada S.Y.L ka

Bidix laleexo Kusoo Deggo Dalcada Ku Aadan Afaafka Hore Ee Madaxtooyada Villa Somalia Waxaad Imaadaa Is Goyska Umbultori Ceelgaab

Midig Afka Aadi Waxay Kala Qeybisaa Wadadaan Oo Ah Tii Aadi Jirtay Misena Aada Dhinaca Iyo Buundooyinka 2ada Degmo Oo Kal Ah Waaberi Iyo Xamar Jajab Raac Illa Afasiyooni Adigoo Hoos Marayya Buundooyinka INta Laga gaaray Derbiga Afasiyooni Waxaa Ku Yaalla Degmada Xamar Jajab Shineemooyinka Kala Ah Ex-Shineemo Ceel-gaab Shineemo Afrika

Xaafadaha Xamar Jajab wax ka badal

  • Israaca
  • Ceelgaabta
  • Buulo Eelaay
  • Shaamow
  • Shiiq muxudiinka
  • Raage Ugaas
  • Sh.shaacir

Masaajidyada wax ka badal

  • Masaajidka Xaaji Rajab
  • Masaajidka Shaamow
  • Masaajidka Shiiqmuxudiin
  • Masaajidka Ramaax
  • masjidka Sh.Uweys
  • Masaajidka Afrika
  • Buulo Weekiya

Xadka Degmada wax ka badal

Degmada Xamar Jajab Waxey Xuduud La Leedahay 3 Degmo Oo kala Ah 1_Waaberi 2_Xamar Weyne Waxey ka Bilaabataa Albaabka Isbitaal Martini Illaa Isgoysta (Tda) Ah Ee SYL Bidix la Leexo illa Albaabka madaxtooyada Qaranka Somalia Bidix Lasoo Leexo Illa Umbultori Celgaab Midig La Leexo Illa Afiyooni Ayey Ku Egtahay Degmada faca Weyn Ee Xamar Jajab