File:Hibo Nuura.jpg
Hibo Maxamed Hodoon

Hiba Maxamed Hodoon (Af Carabi : ar‎) ku caan ah magaca Hibo Nuura waa fanaanad weyn oo ku heesta af-Soomaaliga taasi oo leh suugaan iyo heeso aad u badan. Heesaha ay qaado fanaanadani oo u badan wadani, goobaabin, talo-siin, dhiiri-gelin iyo wanaag darteed ayaa Hibo Maxamed Hodoon loo siiyay magaca weyn ee Hooyada Fanka Soomaaliyeed. Intaasi waxaa dheer, Hibo waxaa ay leedahay naanays ay ku kasbatey kartideeda iyo hanaan-wanaageeda, waxaana lagu naanaysaa Hibo Nuura.

Badhtamihii sanadkii 2014ka, fanaanada Hibo Nuura waxay waxay ku dhawaaqdey ineey ka baxdey fanka iyo suugaanta, maadaama ay da' ahaan gaadhey heerkii lagu cibaadeysan lahaa. Fanaanadu waxay hada ku nooshahay magaalada Minneapolis, Minnesota ee wadanka Maraykanka.

Sii Akhri Qoraalka