File:Tubeec.jpg

Maxamed Saleebaan Tubeec (carabi: محمد سلمان تبيع) waa fanaan ka mid ahaa fanaaniinta ugu caansanaa suugaanta dadka Soomaalida ah. Fanaanku waxa uu ku dhashay duleedka magaalada Hargeysa gobolka Waqooyi ee maanta ah magaalo madaxda wadanka Somaliland sanadkii 1943. Fanaanku wuxuu ahaa heesaa aad u cod macaan oo geyiga Soomaalieed aad looga jecel yahay. Codkiisa wanaagsan darteed waxaa lagu naaneysi jirey Boqorka Codka Fanka Soomaaliyeed.

Tubeec wuxuu ahaa shaqsi caan ka ah caalamka gaar ahaan gayiga somaalida sidoo kalle maxamed saleebaan tubeec waxaa lagu naanaysi jirey (boqorka-codka) sidoo kale waxay taariikh lama ilaawaan ah ka dhigeen tartanki fanka ee qarada africa maxamed saleebaan (tubeec) iyo xaliima khaliif (magool) oo ay halkaa ku hanteen biladihii ugu sareey labka iyo dhadigaba sidaana ku noqdeen libaaxyadii qaarada africa taariikh lama ilaawaan ahna kula soo laabteen gayiga somalida (SII AQRI)