Tiinle (Af Ingiriis : Tiinle, Af Carabi : ar‎), waa beel ka tirsan beelaha Daaroodka ee Dadka Soomaalida. waxay degaan Daka Soomaaliya. Beesha Tiinle waa beel weyn waxayna ka mid tahay Beelaha ku soo dhaca Mooracase ee Daaroodka.

Tiinle
تينلي
Meelaha ay ku badan yihiin
Wanlaweyn waa magaalo qadiimi ah oo taariikh dheer leh. Waa degmo ay wada degaan Soomaalida oo dhan, hase yeeshee asal ahaan degmada waxaa degan Shanta Caalimood, oo u kala baxaan shan beelood:

1. Hubeer 2. Barbaare 3. Jambaluul 4. Erdho 5. Hiifmuge

Beelahaas waxay degaan magaalada iyo tuulooyinka ku xeeran degmada. Guddoomiyaha degmada wuxuu ka tirsan yahay beesha Erdho, oo ah beesha ugu badan ee dega magaalada gudaheed. Degmada Wanlaweyn waxay hoos timaadaa 597 tuulo, waxaana ay caan ku tahay ganacsiga xoolaha iyo dhaqashadeeda.

Dadku waa dad ku fiican dhaqashada xoolaha iyo beeraha, waxayna dhaqdaan geela, lo'da, iyo ariga. Wanlaweyn waxay sidoo kale caan ku tahay wax soo saarka beeraha, iyadoo degmo barwaaqo ah oo nabadeed ah.

Sidoo kale, dadka deegaanka waa xoolo-dhaqato, waxaana ay si weyn ugu mashquulsan yihiin wax soo saarka beerahooda. Degmada Wanlaweyn waa mid ka mid ah degmooyinka ugu horeeya ee hoos yimaada gobolka Shabeelaha Hoose.

Wanlaweyn waxaa ku yaal saldhigga milatari ee Belidoogle, oo ay ku sugan yihiin ciidanka gaarka u tababaran ee Soomaaliya iyo tababarayaal Mareykan ah. Wanlaweyn sidoo kale waa magaalo Soomaali u ilbaxsan, oo ka tirsan maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya.

Luqada

Af-Soomaali

Diinta

Islaam-Sunniyiin

Dadka ay dhalyo wadagaan

Dishiishe, Majeerteen, Reer-Darawiish, Mehri, Warsangali, Leelkase, Mareexaan, Gabtaanle, Maganlabe iyo reero kale oo Daarood ah.

Hordhac

Beesha Tiinle waxay kamid tahay beelaha dega gobolada Bari Iyo Sanaag ee dalka Soomaaliya. beeshu waxay degtaa magaalooyinka Boosaaso, Dhahar, Afurur Kaladhacda, Laag, Ceeldaahir Iyo meelo kale. Waxay caan ku yihiin dhalinyaro farabadan, Inta badan Xubnaha beesha ayaa la sheegaa inay yihiin Xoola dhaqato reer guura ah, Beesha Tiinle waxay ka mid tahay beelaha lagu tilmaamo Had iyo jeer inay ciidamada ka dhex muuqdaan.

Sidoo kale fiiri

Xigasho