Al-Faatixa

(Waxaa laga soo toosiyay Suuratul Al-Faatixa)

Suurada Al-Faatixa

Quraanka kariimka ah.
Suuratul Al-Faatixa.
ٱلۡفَاتِحَةِ

Al-Faatixa Suuratul Al-Faatixa (ingiriis: Al-Fatiha; carabi: ﺳﻮﺭﺓﺍﻟﻔﺎﺗﺤﺔ; loogu dhawaaqo Sūrat al-Fātiḥah)[1] waa suurada kowaad ee Quraanka kariimka ah ee diinta Islaamka kaasi oo Alle (s.w.t) ku soo dejiyay Nebi Muxamed (n.n.k.h).

Suuradani Al-Faatixa oo macnaheedu yahay fur-furid, fur-furasho iyo bilaabid ayaa waxay ka kooban tahay todoba aayadood kuwaasi oo sharaxaya "mahadnaqa Alle", "naxariista Alle", cibaadada iyo ka cabsashada Ilaahay. Suurada al-Faatixa qof kasta oo muslim ah oo salaada tukada waxaa ku waajib ah inuu akhriyo suuradan 5ta jeer ee gudashada salaadaha faralka ah. Sida uu wariyey asxaabiga Cabdillahi ibnu Cabbaas iyo kuwo kaleba suurada Al-Faatixa waa mid Makki ah, taasi macnaheedu waa waxay Nebi Muxamed (n.n.k,h) ku soo degtay asagoo jooga magaalada Makkah.[2][3]

Xigasho wax ka badal

  1. "Al-Faatixa Suuratul Al-Faatixa (ingiriis: Al-Fatiha; carabi: ﺳﻮﺭﺓﺍﻟﻔﺎﺗﺤﺔ; loogu dhawaaqo Sūrat al-Fātiḥah)"
  2. "Sida uu wariyey asxaabiga Cabdillahi ibnu Cabbaas iyo kuwo kaleba suurada Al-Faatixa waa mid Makki ah, taasi macnaheedu waa waxay Nebi Muxamed  (n.n.k,h) ku soo degtay asagoo jooga magaalada Makkah"
  3. "Kitaabka Quraanka kariimka ah wuxuu ka kooban yahay boqol toban iyo afar Suuradood oo u sii kala baxa tiro badan oo aayado ah"