Shiikh Cabdiraxmaan Shiikh Nuur
Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Nuur (Af Soomaali : Abdurahman Sheikh Nuur, Af Carabi : ar) wuxuu ahaa nin aqoonyahan, macalim, qoraa, mu'alif, hogaamiye diineed oo u dhashay dadka Soomaalida. Sheekh Cabdriaxmaan waxaa fadhigiisu ahaa magaalada Boorama, halkaasi oo ku dhigi jiray cilmiga diinta iyo maadiga, isla markaana ku alifey Farta Boorama.[1][2]
Cabdiraxmaan Sheekh Nuur Abdurahman Sheikh Nuur الشيخ عبد الرحمن نور | |
---|---|
Ku dhashay | qiyaastii 1880kii Boorama, Soomaaliya |
Qoomiyada | Soomaali |
Shaqada | barre, xaakim (qaadi) |
Ciwaan | Sheekh, mu'alif |
Taariikh
Sheekh Cabdiraxmaan wuxuu ku dhashay isla markaana ku koray magaalada Boorama, ee waqooyiga Soomaaliya. Sheekhu wuxuu ka soo jeedaa beesha Gadabuursi, ee beelweynta Dir.[3]
Sheekh Cabdriaxmaan wuxuu markuu yaraa waxbarasho u tegay magaalada Harar, halkaasi oo ku soo bartey Quraanka iyo aqoon kale oo maadi ah. Wakhtigii dhalinyarnimadiisii wuxuu macalim Quraan ka ahaa deegaano badan oo Waqooyiga Soomaaliya ah oo wakhtigaasi hoostegayay maamulkii gumeysiga Ingiriiska. Sheekh Cabdiraxmaan waxaa aabo u ahaa Xaakim (qaadi) ka talin jirey maamulkii gumeysiga Ingiriiska.[4]
Sanadkii 1933, Sheekh Cabdiraxmaan wuxuu alifey hab cusub oo loo qoro Far Soomaaliga, kaasi oo ugu magacdaray Farta Boorama. Fartani wuxuu ugu talogalay in lagu qoro Af-Soomaaliga.
Farta Boorama
Borama | |
---|---|
Nooca | line-height:1.25em
|
Luuqad | Af-Soomaali |
Farta Boorama (Af Ingiriis : Borama alphabet; Qaabka qoraalka: ) (sidoo kale loo yaqaano: Far Gadabuursi) waa nidaam wax-qoris oo ka mid ah Far Soomaaliga taasi oo uu alifey Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Nuur. Sida taariikhda lagu hayo, Sheekh Cabdiraxmaan wuxuu alifey fartan sanadkii 1933 wakhtigaasi oo uu ku sugnaa magaalada Boorama, oo noqonaysa sababta farta loogu magacdaray magaaladaasi.[5]
Qoraalo la xidhiidha
- David D. Laitin, Politics, language, and thought: the Somali experience, (University of Chicago Press: 1977)
- I.M. Lewis (1958), The Gadabuursi Somali Script, Bulletin of the School of Oriental and African Studies, University of London, Vol. 21, pp. 134–156.
- Osmanya, Borama, Wadaad's writing and the Somali language
- The Gadabuursi Somali Script - qasidas in Gadabuursi/Borama
- I.M. Lewis (1958), The Gadabuursi Somali Script, Bulletin of the School of Oriental and African Studies, University of London, Vol. 21, pp. 134–156.
- David D. Laitin, Politics, language, and thought: the Somali experience, (University of Chicago Press: 1977)
- Osmanya, Borama, Wadaad's writing and the Somali language
- The Gadabuursi Somali Script - qasidas in Gadabuursi/Borama
- Afkeenna iyo fartiisa - a book in Osmanya
Sidoo kale fiiri
Linkiyo kale
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: |
- The Origins of abc
- "Language, Writing and Alphabet: An Interview with Christophe Rico", Damqātum 3 (2007)
- Michael Everson's Alphabets of Europe
- Evolution of alphabets Archived Mey 17, 2008 // Wayback Machine, animation by Prof. Robert Fradkin at the University of Maryland
- How the Alphabet Was Born from Hieroglyphs Archived Abriil 29, 2010 // Wayback Machine—Biblical Archaeology Review
- An Early Hellenic Alphabet Archived Jannaayo 15, 2014 // Wayback Machine
Tixraac
- ↑ I.M. Lewis (1958), The Gadabuursi Somali Script, Bulletin of the School of Oriental and African Studies, University of London, Vol. 21, pp. 134–156.
- ↑ Somali alphabets, pronunciation and language
- ↑ David D. Laitin, Politics, Language, and Thought: The Somali Experience, (University Of Chicago Press: 1977), pp.86-87.
- ↑ qadi (judge) of Borama. Sheikh Nuur would later follow in his father's footsteps by also becoming a qadi, albeit of the entire northern British Somaliland region.
- ↑ David D. Laitin (1 May 1977). University of Chicago Press. pp. 98–. ISBN 978-0-226-46791-7 http://books.google.com/books?id=LR8A4tEYZUAC&pg=PA98. Soo qaatay 2 July 2012. Maqan ama ebar
|title=
(caawin)