Portal:Bahda Qoraxdu Midaysay/Maqaal xul ah/29

Garaafiti waxay sababtaa in Meerayaashu ku wareegaan Qoraxda.

Cufisjiidad (Af Ingiriis : Gravity; Af Carabi : ar‎) waa awooda dabiiciga ee isku heeysa meereyaasha iyo xidigaha ay ku wareegaan. Cufisjiidadka lama arki karo lamana maqli karo laakiin waa la dareemi karaa. Awooda cufisjiidadka waa tan suurto galisay inaan dhulka dul socono. qoraxda oo ah Xidig aad u wayn isla markaana leh awood cufisjiidad aad u badan ayaa isku heeysa meereyaasha iyo dayaxyadooda iyo duniyaha kale ee Bahda Midaysay Qoraxdu oo dhulku ka mid yahay.

Cufisjiidadku waa awoodda u yeesha sheyadda miisaan oona ku heysa Oogada dhulka. Tusaale ahaan haddii aad shey kor u tuurtid hoos ayuu u soo dhacayaa. Waxa sababa in shey walba oo kor loo tuuro uu hoos ugu soo dhaco waa awooda la yiraahdo garaafiti ayaa hoos u soo jiidata. Meereyaasha waaweyn ee dabiiciga ah sida dhulka, dayaxa, qoraxda iyo xiddigaha waxey leeyihiin awood cufisjiidad isku heeysa dhamaantood oo wixii u soo dhawaada wey soo jiitaan.