Muctazila waa firqo islaqmi ah oo soo baxday waagii hore ee islaamka waxaa aasaasay waasil bin cadaa oo ahaa ardayga taabicigii weynaa ee xasan bisri, muctazilada wxay caan ku ahaayeen caqliga inay marjic uga dhigtaan arimo badan oo diinta quseeya,

Mabaadi'dooda ugu caansan ee aaminsanaayeen waxaa ka mid ah

1-mabda'a al-manzila beynal manzilateyn oo laga wado qofka dambaaway muslim ma ahan gaalna ma ahan wuu u dhaxeeyaa

2- mabda'a aslax iyo salaax oo laga wado in Alla ay waajib ku tahay adoonka inuu wanaaga u dooro ama kan sii wanaagsan.

3- mabda'a adoomada inay abuurtaan ficiladooda

4- mabda'a quraanka inuu makhluuq yahay yacni wax la abuuray

Maabaadi'daas iyo kuwo kale oo ku khilaafeen firqooyinka kale ee islaamka.

Waagii cabaasiyiinta xiligii Ma'muun iyo muctasim waxaa lagu qasbay culumada islaamka inay qaataan mabaadi'da muctazilada qaar badan ayaa diideen waxaana loo geestay cadaab iyo dhib daran, culumada la dhibay waxaa ugu caansanaa axmad bin xanbal oo imaamyada afarta madhab ka mid ah.