Maxamuud Xooshdheere

wakhti aad u dheer ayuu ahaa dhakhtarka kaliya ee Daraawiisheed heer uu markii dambe Garab ka Jabay hogaamihii Daraawiishta ee Diiriye Guure markaasna loogu yeedhay Darwiish Xaaji Maxamuud Xooshdheere si uu u kabo

Darwiish Xaaji Maxamuud Xooshdheere wuxuu ahaa Wasiirkii Caafimaadka ee wasiiradii Dowladii Daraawiisheed (QUSUUSİDİİ). Ka hor Ka mid noqoshada Qusuusidii Daraawiisheed wuxuu ahaa   halgamaa ka qayb galay dagaalo badan oo lagaga soo horjeeday Isticmaarkii Ingiriiska, sida dagaalkii Ruuga ee lagu dilay Koofil oo uu ka ahaa Taliye ku xageenkii ciidankii Darawiish qaybtii duulaanka Ku dishay Koofil waana halkagamaa Soomaaliyed wuxuu ahaa: beelaha Ciid-Nugaal, ama Si'iid Harti ama reer darawiish ee :Cali gari Darwiish  Xaaji Maxamuud Xooshdheere ayaa ahaa nin si weyn u yaqaanaa diinta Islaamka isla markaana culimo badan wax ka soo akhristey.

Maxamuud Xoosdheere
Maxamuud Xooshdheere
Ku dhashay1871
Buuhoodle
Dhimasho1981
DhalshoDarwiish
QoomiyadaSomali
Shaqadadakhtar
Sanadaha Shaqada1896–1920

asal ahana kaso jeday besha Barkad garaad jilibka reer cigaal. O aha reerihi darawish dhiiga u shubay.

Cimrigiisa oo rabbi u barakeeyey ayaa kor u dhaafayey 119 sano,  Maxamuud Xoosh-dheere wuxuu ku dhashay Buhoodle 1871-kii wuxuuna ku dhintay muqdisho 1970-kii

Wakhtiyadii dhexe wax ka badal

waxaa lagu xasuustaa Inuu ahaa wasiirnimada Ka hor Dhakhtarkii Daraawiisheed gaar ahaan dhakhtar ''Lafood'' waxa loo yaqaano xiligaasi oo baahi wayn loo qabay dhaqaatiir daawaysa dadka dagaalada Kusoo dhaawacma ayaa waxaa kaliya oo Daraawiish dhaqtar u doorteen Inuu noqdo Xooshdheere (AHUN) wakhti aad u dheer ayuu ahaa dhakhtarka kaliya ee Daraawiisheed heer uu markii dambe Garab ka Jabay hogaamihii Daraawiishta ee Diiriye Guure markaasna loogu yeedhay Darwiish Xaaji Maxamuud Xooshdheere si uu u kabo.

Dhanka Suugaanta iyo Gabayada wax ka badal

Sidoo kale waxaa Darwiishku Ka madhnayn dhanka Suugaanta iyo Gabayada. Gabayadii uu tiriyey waa badnaayeen waxaana ka mid ahaa gabaygan:

''Manaa duqaan raranjiriyo dalawi soo iibsha:

Manaa dilaal qaareweyn neef la dabaroora:

Digsi karaya manaa dushiis duhur ka sheekeeya:

Dukaan guradi manaa malkhabad soo deldelanaaya:

Manaa dadkaan dhalay sanduuq wax uga doondoona'' :

Gaygaasi waa dheera waxaase laga haya wax yar,  wuxuuna ku saabsanaa.

markii Daraawiish la jebiyey ba Ingriiskii dalka qabsaday fariin u diray Xaaji Maxamuud Xoosh-Dheere oo ku yidhi. waa ku naqaan oo madaxdii Daraawiisheed baad ka mid ahayd dhakhtarkoodiina waad ahayd ee Hargeysa imoow oo dhakhtar ka noqo oo nalana shaqee wana ku saamaxaynaa. Maxamuud Xooshdeere sidoo kale waxaa lagu sheegaa Inuu ahaa nin Deeqsinimo, Geesinimo iyo Aftahanimo isku darsaday. waxaa ka mida murtidisii ka turjumaysa Deeqsinimadisii iyo Geesinimadiisiiba ''Waxba gaalibkeediyo kadlaha yaanan soo gocanne iga gawrac geenyada ragbaa guraya ruuxiiye'' sadaradaan waxay kamid ahaayeen gabay uu tiriyey xili marxalad adag ay soo food saartay rag Daraawiisha oo marayey meesha maanta loo yaqaano Dharkayn geenyana oo ka tirsan gobolka Sool waa meesha sida taariikhda inagu soo gaadhey ay iyaga oo badankoodu naf ka dhawr yahay ku nasteen. Waxay goobtaas baahi darteed ku qasheen geenyo. Geenyadaas gawraca waa loo quudhi waayey, laakiin gabayga eryadani ku jiraan bay u go’day oo uu tiriyey Maxamuud Xooshdheere (AHUN)''

''Waxba gaalibkeediyo kadlaha yaanan soo gocanne iga gawrac geenyada ragbaa guraya ruuxiiye''

Wakhtiyadii dambe iyo Duriyadii Darwiishka wax ka badal

Maxamuud Xooshdeere rag badan ayuu ka tagay oo qaarkood Dhakhtarnimadisii ka dhaxlay oo ay u noqotay wax jiilba jiil Usoo gudbiyo oo layska dhaxlo. maanta waxaa dhulka Soomaalida waqooyi gaar ahaan gobolada Sool Sanaag iyo Cayn ilaa Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ka caana oo dhakhaatiir loo dhiga dhanka lafaha aysan jirin Xaaji Cabdi Maxamuud Xooshdheere iyo Xaaji Cali Maxamuud Xooshdheere oo Ku abtirsada Darwiish Xaaji Maxamuud Xooshdheere, dhakhaatiirtaan ayaa fadhigooda rasmiga ah uu yahay degmada Marqaan wayne oo ka tirsan Gobalka Wardheer ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo waliba Buuhoodle oo magaalada Marqaan wayne 60Km u jirta.