Ilkaha sare
Ilkaha Sare (Af-Taliyaani : dente mascellare Af Ingiriis : maxillary tooth) waa toban-iyo-lixda ilkood ee sare ee afka dadka xaga hore kaga taala.
Ilkaha sare waxaa ka mid ah afarta fool ee sare, labada mici ee sare iyo tobanka gows ku kala yaala labada daan.
Cilmiga barashada, daawaynta iyo fahanka ilkaha iyo ciridka aadamaha waxaa loo yaqaanaa "Dental". Ilkaha oo dhamaantood ah 32, ayaa waxa loo kala saaraa Ilkaha sare iyo ilkaha hoose.
Ilmaha yar ee dadku wuxuu leeyahay 20 ilig, laakiin qofka qaangaadhka ah wuxuu leeyahay 32 ilig oo u kala baxa 4 fool, 20 gows, 4 mici iyo 4 ilig. Sidoo kale, ilkuhu waxay ku kala yaalaan daanka sare - oo leh 16 ilig - iyo daanka hoose oo leh 16 ilig.