Kani waa maqaal ku saabsan gaajada. Qoraalo kale fiiri macluul, "abaar"
Boga "baahi" halkan ayaa laga soo toosiyay.


Gaajo (Af Ingiriis : hunger; Af Carabi : ar‎) marka laga hadlayo siyaasada, caawimaada baniaadamnimo, iyo cilmiga bulshada, gaajada waxaa lagu sharaxaa xaalad qofku dareemo ah baahi cunto si u taageero shaqada unugyada jidhka. Sidoo kale waxaa lagu sharaxaa in gaajadu tahay cunto la'aan ama cunto yari taasi oo keenta nafaqodaro ku dhacda qofkaasi ugu dambeyntana keenta caafimaaddaro iyo geeri. Inta la ogyahay taariikhda, tan iyo waayo hore waxaa jiray tiro badan oo dad ah oo gaajo ku soo noola meelo badan oo aduunka ka mid ah.

Shaxda warbixin ay soo saartey Hayada Cuntada iyo Dalaga Aduunka oo muujinaya isbedelka sicirka cuntada. Qiimaha cuntadu waxay kor u kacday 2007/08 taasi oo saamayn weeyn ku yeelatay dhamaan wadanada caalamka. Arintani waxay keentay in malaayiin dad ahi gaajo iyo macaluul ku dhacdo maadaama aanay iibsan karin cunto. Sidoo kale waxaa isbedel sicirka cuntada ah dhacay 2010/11 waxaa sabab u ahayd kacdoonkii wadanada Carabta.
Waxsoo saarka cuntada firileyda aad ayay u korodhay sanadahan dambe.

Hadaba inta ugu badan, gaajada waxaa keena khalkhal ku yimaada silsilada cuntada taasi oo salka ku heeysa musiibo dabiici ah (sida daad, duufaano, abaaro, roob-la'aan, xanuuno iwm) ama musiibo dad samee ah (sida dagaal, cunoqabateyn, sicirbarar iwm). Wixii ka dambeeyay Dagaalkii Labaad ee Aduunka waxaa aad u horumaray wadano badan oo caalamka ah, sidoo kale waxaa la horumariyay aqoonta iyo teknoolojiyada beeraha iyo dhirta waxaana dowlado iyo ururo badan u xaglo xidheen tafiir goynta iyo ka hortaga gaajada aduunka; taasi oo keentay hoos udhac balaadhan oo laga gaadhay gaajada. Sidaas ay tahay wadano badan oo aduunka ah, gaar ahaan wadanada soo koraya, waxay ku guuldareeysteen ineey quudiyaan bulshooyinkooda, waxaana meelo badan laga helayaa dad aad u baahan oo gaajo iyo macaluul wehel u tahay.

Magac Ahaan wax ka badal

Inkastoo isticmaalka ugu badan ee ereyga gaajo yahay baahida cunto qof ama xayawaan u qabo; waxaa sidoo kale ereyga gaajo loo isticmaalaa magac ahaan.

Tusaale ahaan, marka qof lagu tilmaamayo inuu yahay "bakhayl" (qof aan waxba bixin) waxaa lagu magacaabaa gaajo. Sidoo kale waxaa gaajo lagu magacaabaa dadka aan cunto badan cunin (ama haysan).

Guud ahaan, ereyga gaajo waxaa la xidhiidha haraad taasi oo ah baahida qof ama xayawaan (noole) u qabo biyo. Dadka iyo xayawaanku waxay noolaan karaa wakhti dheer ayagoo cunto cunin (gaajoonaya), laakiin biyo la'aan ma noolaan karaan wax ka badan maamlo dhowr ah.

Xalca wax ka badal

Runtii, Yehowah Ciise dib buu u soo nooleeyay oo wuxuu ka dhigay malaaʼig xoog weyn oo aan dhiman karin. Ciise xertiisu way arkeen markii uu samada aadayay.[1]„Oo dhulka waxaa jiri doona hadhuudh badan xagga buuraha dushooda.” Cunto badan oo nafaqo leh: “Dhulku wuxuu soo saaray midhihiisii, waxaa ina barakayn doona Ilaah, oo ah Ilaaheenna qudhiisa.” Macnaha mustaqbalka: Qof kastaa wuxuu heli doonaa cunto badan oo caafimaad leh. Ma jiro qof seexan doona gaajo ama nafaqodarro - ma sii jiri doonto.[2]

Qoraalo La Xidhiidha wax ka badal

Linkiyo Kale wax ka badal

Tixraac wax ka badal

 
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: