Ururka Cuntada iyo Dalaga

Kani waa maqaal ku saabsan hayada cuntada iyo beeraha QM. Qoraalo kale fiiri Hayadaha Qaramada Midoobay. Haku khaldin "Hayada Cuntada Aduunka"
"Boga "FAO" halkan ayaa laga soo toosiyay.

Ururka Cuntada iyo Dalaga Qaramada Midoobay (Af Ingiriis : Food and Agriculture Organization of the United Nations, loo soo gaabiyo: (FAO); Af Carabi : ar‎) waa wakiil khaaska ah Qaramada Midoobay kaasi oo hogaamiya dadaalka ka hortaga iyo cidhibtirka gaajada aduunka. Hayadani waxay si siman ugu adeegtaa wadanada horumaray iyo kuwa soo koraya, waxayna ka shaqeeysaa in si cadaalad ah umaduhu u qeeybsadaan kheyraadka isla markaana galaan heshiisyo loo dhan yahay. Intaas waxaa dheer, hayada Cuntada iyo Dalaga (beeraha) waxay wadano badan oo caalamka ah ka caawisaa (xag aqoon iyo talobixin) horumarinta beeraha, keymaha iyo kheyraadma kaluumaysiga si markaa shacabku u helaan cuntooyin nafaqo leh isla markaana amaan ah. Halkudhiga ururkani oo ah erey Af-Isbaanish: "fiat panis", micnaha "qof walba ha helo roodhi (cunto)", ayaa in badan ka turjumaya micnaha iyo ula jeedada hayada.

Ururka Cuntada iyo Dalaga
Ururka Cuntada iyo Dalaga Qaramada Midoobay
Emblem of the United Nations.svg
FAO logo.svg
Astaanta Hayadada Cuntada iyo Dalaga (FAO); halkudhigu waa erey Af-Isbaanish: "fiat panis", micnaha "qof walba ha helo roodhi (cunto)".
Loo soo gaabiyo FAO, ONUAA
Samaysmay 16 Oktobar 1945, magaalada Kubeek, Kanada
Nooca Wakiil khaas
Sharciga Imika shaqeynaysa
Fadhiga Palazzo FAO, Roma, Talyaaniga
Hogaanka
José Graziano da Silva (wakhti xaadirkan)
Ururka leh
Golaha Dhaqaalaha iyo Bulshada QM
Website www.fao.org

Guud ahaan Ururka Cuntada iyo Dalaga Qaramada Midoobay waxaa xubin ka ah 194 wadan, ururka Midowga Yurub ("xubinimadiisu waxay matashaa guud ahaan xubnaha midowga"), Gasiiradaha Faroe iyo Tokelau, kuwaasi oo ah xubno madaxbanaan.[1]


Qoraalo La XidhiidhaEdit

TixraacEdit

  1. . Fao.org http://www.fao.org/legal/home/fao-members/en/. Soo qaatay 15 October 2010.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: