Faryar

(Waxaa laga soo toosiyay Faryaro)
Boga "Faryareey" iyo "Faryaro" halkan ayaa laga soo toosiyay.

Faryaro (Af Carabi : ar‎; Af Ingiriis : Little finger) sidoo kale loo yaqaano Faryareey, waa farta shanaad ee faraha ku yaala gacmaha iyo lugaha dadka; waxayna ku xigtaa farta faraanti galis. Intaas waxaa dheer, in fartani tahay tan ugu yar faraha ugu wax qabadka yar.

far, gacan
faryaro ama fryareey

Faraha Dadka wax ka badal

Faraha Dadka
 

Suul  • Fardheer  • Fardhexo  • Farta Faraantigelis  • Faryar

Far (Af Ingiriis : finger; Af Carabi : ar‎) (wadar ahaan faro), waa xubno ka tirsan gacanta dadka iyo in badan oo xayawaanka ka mid ah. Sida caadiga ah dadku waxay leeyihiin 20 farood, kuwaasi oo ku kala yaala labada gacmood iyo labada lugood. Gacan kasta iyo lug kasta waxay leeyihiin shan farood oo iskugu jira: Suul, fardheero (murdiso), fardhexo, faraantigalis (farta faadumo), iyo faryaro.

Faraha Gacmaha wax ka badal

Suul wax ka badal

 
suul

Suul (Af Ingiriis : thumb; Af Carabi : ar‎) waa xubin ka mid ah faraha shanta ah ee ku yaala gacmaha iyo lugaha dadka iyo in badan oo xayawaanka ka mid ah. Suulku waa farta koowaad ee shanta farood. Sidoo kale, suulku waa farta ugu awooda badan ee ugu dhumucda iyo qarada weyn dhamaan faraha.

Fardheero wax ka badal

 
murdiso ama murugsato

Farta Murdiso (Af Ingiriis : index finger; Af Carabi : ar‎) sidoo kale loo yaqaano "Fardheer" iyo "Murugsato", waa farta labaad ee ka mid ah shanta farood ee dadka iyo in badan oo xayawaanka ka mid ah. Sidoo kale waa farta u dhexaysa suulka iyo fardhexada.

Fardhexo wax ka badal

 
fardhexo

Fardhexo (Af Carabi : ar‎; Af Ingiriis : middle finger) waa farta sadexaad ee gacanta dadka. Fartani waxay u dhexaysaa murdisada (murugsato) iyo farta faadumo (faraanti galis), sida badan waa farta ugu dheer faraha.

Fartaan iyo suulka markii la isku cadaadiyo ka dibna la sii daayo waxaa ka dhasha dhawaq dheer, oo loo adeegsado soo jeedin ama baraarujinta cid loo dan leeyahay taasi oo loo yaqaano Suuldhabaale (en: snapping).[1]

Faraantigelis wax ka badal

 
faraanti galils

Farta faraanti galis (Af Carabi : ar‎; Af Ingiriis : ring finger) (sidoo kale loo yaqaano farta faadumo) waa farta afaraad u dhexaysa far dheexadka iyo faryareeyda. Waa farta ugu quruxda badan faraha aadanaha saas ayaana keentay in la galiyo faraantiga ama fargashiga.

Faryaro wax ka badal

 
faryaro ama fryareey

Faryaro (Af Carabi : ar‎; Af Ingiriis : Little finger) sidoo kale loo yaqaano Faryareey, waa farta shanaad ee faraha ku yaala gacmaha iyo lugaha dadka; waxayna ku xigtaa farta faraanti galis. Intaas waxaa dheer, in fartani tahay tan ugu yar faraha ugu wax qabadka yar.

Adeegsiga wax ka badal

dadka qaar siiba dumarka ayaa u adeegsada balanta ama is dhaarsiga waana marka qofba qofka kale faryarodiisa inta la is galiyo ka dibna la isku jiido ilaa ay kala fakadaan, ingiriis ahaan waxaa loo yaqaan dhaartaas A pinky swear

ilmaha ayaa iyagana iskuulada markay joogaan u isticmaala astaan ah inay suuliga (musqul) rabaan , siiba markay kaadi hayso.

Tixraac wax ka badal