Farta faraanti galis (Af Carabi : ar‎; Af Ingiriis : ring finger) (sidoo kale loo yaqaano farta faadumo) waa farta afaraad u dhexaysa far dheexadka iyo faryareeyda. Waa farta ugu quruxda badan faraha aadanaha saas ayaana keentay in la galiyo faraantiga ama fargashiga,

faraanti galils


faraanti galis ayaa loo yaqaan fartaan luuqado badan oo aduunka jira, maadaama la wada ogyahay farta faraantiga inay tahay tusaale ahaan ingiriiska ayaa loo yaqaan ( ring finger) oo la macno ah farta faraantiga, dadka qaar ayaa ugu yeera magaclaay, tusaale ahaan shiinaha ayaa looga yaqaan 无名指 oo la macno ah farta magaclaay.

Faraha Dadka

wax ka badal
Faraha Dadka
 

Suul  • Fardheer  • Fardhexo  • Farta Faraantigelis  • Faryar

Far (Af Ingiriis : finger; Af Carabi : ar‎) (wadar ahaan faro), waa xubno ka tirsan gacanta dadka iyo in badan oo xayawaanka ka mid ah. Sida caadiga ah dadku waxay leeyihiin 20 farood, kuwaasi oo ku kala yaala labada gacmood iyo labada lugood. Gacan kasta iyo lug kasta waxay leeyihiin shan farood oo iskugu jira: Suul, fardheero (murdiso), fardhexo, faraantigalis (farta faadumo), iyo faryaro.

Faraha Gacmaha

wax ka badal
 
suul

Suul (Af Ingiriis : thumb; Af Carabi : ar‎) waa xubin ka mid ah faraha shanta ah ee ku yaala gacmaha iyo lugaha dadka iyo in badan oo xayawaanka ka mid ah. Suulku waa farta koowaad ee shanta farood. Sidoo kale, suulku waa farta ugu awooda badan ee ugu dhumucda iyo qarada weyn dhamaan faraha.

 
murdiso ama murugsato

Farta Murdiso (Af Ingiriis : index finger; Af Carabi : ar‎) sidoo kale loo yaqaano "Fardheer" iyo "Murugsato", waa farta labaad ee ka mid ah shanta farood ee dadka iyo in badan oo xayawaanka ka mid ah. Sidoo kale waa farta u dhexaysa suulka iyo fardhexada.

 
fardhexo

Fardhexo (Af Carabi : ar‎; Af Ingiriis : middle finger) waa farta sadexaad ee gacanta dadka. Fartani waxay u dhexaysaa murdisada (murugsato) iyo farta faadumo (faraanti galis), sida badan waa farta ugu dheer faraha.

Fartaan iyo suulka markii la isku cadaadiyo ka dibna la sii daayo waxaa ka dhasha dhawaq dheer, oo loo adeegsado soo jeedin ama baraarujinta cid loo dan leeyahay taasi oo loo yaqaano Suuldhabaale (en: snapping).[1]

Faraantigelis

wax ka badal
 
faraanti galils

Farta faraanti galis (Af Carabi : ar‎; Af Ingiriis : ring finger) (sidoo kale loo yaqaano farta faadumo) waa farta afaraad u dhexaysa far dheexadka iyo faryareeyda. Waa farta ugu quruxda badan faraha aadanaha saas ayaana keentay in la galiyo faraantiga ama fargashiga.

 
faryaro ama fryareey

Faryaro (Af Carabi : ar‎; Af Ingiriis : Little finger) sidoo kale loo yaqaano Faryareey, waa farta shanaad ee faraha ku yaala gacmaha iyo lugaha dadka; waxayna ku xigtaa farta faraanti galis. Intaas waxaa dheer, in fartani tahay tan ugu yar faraha ugu wax qabadka yar.

Sidoo kale fiiri

wax ka badal